Khamiis, April 08, 2010 (Idhanka)-5 ruux ayaa ku geeriyootay 8 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysa Qardho iyo Garowe oo kawada tirsan Puntland.
Gaarigan ayaa la sheegay ayaa ku Rogmaday dalcada yako oo 30Km dhinaca kuunfureed kaga beegan degmada Qardho,Waxaana dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi la soo gaarsiiyay Cisbitalka Degmadaasi.
Qaar ka mid ah Dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi ayaa la sheegay in xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato,Waxaana dhacda in shilkaasi uu sababo khasaare hor leh.
Madax Cisbitalka degmada Qardho ayaa sheegay in Qaar ka mid ah dhaawacwayada loo soo gaarsiiyay ay u gudbin doonaan Magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe si loo daryeelo.
Gaariga Rogmaday oo ahaa Nooca xamuulka Qaada ayaa Rogmay ka dib markii uu wadada ka baxay ,Waxaana uu ka soo kicitimay Magaalada Garowe.
Shilalka noocaan oo kale ah ayaa badanaa ka dhaca wadooyinka isku xira Puntland iyo qaybaha kale ee Somaliya ,Waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.
Source-Hol
















Posted in 





