Qaybtii U Horeysay ee Agabka Doorashada oo Hargeysa soo Gaadhay +Sawiro

 

Qaybtii ugu horreysay ee agabka doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana Madaarka Cigaal Airport ee Hargeysa keentay diyaarad ka soo qaadday caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

 Agabkan oo markii hore shalay laga soo raray magaalada Copanhegan ee caasimadda waddanka Denmark, iyada oo diyaaraddii Denmark ka soo qaaday keentay magaalada Johansberg ee dalka Koonfur Afrika, halkaana diyaarad kale oo soo gaadhsiisay Nairobi lagaga soo wareejiyey.

 Sida ay sheegeen xubno Komishanka ka mid ah oo agabkaas guddoonkiisa ugu sii diyaar-garoobay garoonka diyaaraduhu.

 

Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ah Xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa TV-ga Universal u sheegay, in qalabkan maanta soo gaadhay yahay qaybtii ugu horeysay qalabka loogu talagalay hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada oo lagu wado inay qabsoonto bisha June ee sannadkan. Md. Dixood, waxa uu intaa ku daray, in inta badan qaybaha agabka doorashada ay filayaan in ay soo gaadhaan maalmaha foodda innagu soo haya.

  

 

 

Md. Cabdiraxmaan Dixood, mar uu faah-faahin ka bixinayay nooca qalabka maanta la soo gaadhsiiyey, waxa uu sheegay, in qalabka la soo gaadhay inta ugu badani tahay Sanaaduuqdii loogu talagalay codbixinta, oo ah noocii ugu casrisanaa sanaaduuqda doorashooyinka dunida. Waxaanu xusay in Sanaaduuqda loo keenay laga dhex arkayo Waraaqaha codaynta marka lagu rido (Sanaaduuq Muraayad ah).

 

“Qaybtan maanta na soo gaadhay waa qaybtii ugu horreysay qalabka doorashada, isla markaana waa qalab casri ah oo tayadiisu aad u sarrayso, oo shirkadda Qandaraaska qaadatay ay ka soo iibisay magaalada Copanhegan ee dalka Denmark. Qaybaha qalabka doorashada ka hadhsani waxay noo imanayaan maalmaha soo socda, si is daba-joog ah ayaana qalabkaas loo keenayaa illaa inta laga soo dhamaystirayo. Waxyaabaha hadhay waxa ka mid ah, Waraaqihii codaynta, kaadhaddkii lagu beddalayay kaadhadkii hore ee diiwaangelinta, khadkii codbixiyayaasha lagu calaamadinayay iyo noocyo kale oo badan oo ka mid ah qalabka aannu sugayno, si dhakhso ahna waa loo keenayaa qalabkaas.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Dixood.

 

Si kastaba ha ahaatee, qalabkan maanta soo gaadhay Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa ah kii ugu horreeyey agabka doorashada, isla markaana waxa kale oo goob-joog ka ahaa Dixood ka sokow, qaar ka mid ah hawlwadeennada Komishanka doorashooyinka iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Inter peace ee Komishanka kala shaqaysa arrimaha doorashooyinka.

  

 

 

 


Ramaasnews

 

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes