MACALINKII 1-AAD (MAQAAL)

Tukuhu waa xayawaankaas madow oo kamid ah haadda buubta ee codka qallafsan ka yeero. Nolosha aadamiga oo bilow ah ayaa Eebe inoo adeejiyay Tukaha si uu u buuxiyo kaalin macallinimo tii ugu horeysay. Markaasi waxay ahayd markii ay ilmo Aadam is laayeen oo Qaabiil uu gardarro ku dilay walaalkiis Haabiil. Nolosha oo cusbeyd iyo khibrad yaraan awgeed ayuu wiilka wax dilay u haleeli waayay qaab uu ku asturo meydka walaalkiis. Naxariista Eebe iyo fadligiisa ayaa ahaatay in loo adeejiyo macallin ka khibrad roon ee bara cashar kamid ah kuwii ugu milgaha cuslaa oo aadamigu uu helay xilligaas qallafsan. Aayadda 31-aad, suuradda Al-Maa’ida ayuu Eebe inoogu soo tebinayaa sheekadaas isaga oo leh ereyo la macna ah sidan :” Dabadeed, Eebe wuxuu u bixiyay Tuke dhulka faganaya, si uu u tusiyo siduu u astuturi lahaa meydka walaalkiis. Markaasuu yiri : Shalaytadeyay, miyaan ka caajisay inaan noqdo mid sida Tukahan, oo aan asturo meydka walaalkay. Wuxuuna kamid noqday kuwa qoomameeya ”.
Si loo rumeeyo jiritaanka iyo keli ahaanshaha Eebe, dadka qaar waxaa ku filan in ay helaan aayad keliya oo kamid ah aayadaha Quraanka. Halka kuwo kale ay u baahan yihiin wax aayad ka badan. Qaarkoodna haddii kitaabka oo dhan lagu wada akhriyo, qalbigooda nasiib uma yeeshaan in uu ku waansoobo.
Aayad kasta oo kitaabka muqadaska ah ku qoran, sideeda ayay aayad u tahay, xataa haddii, si kumeel gaar ah, loogu eego aragti ka madax-bannaan aayadaha kale.
Tilmaamta ay aayaddu farta inoogu fiiqayso oo ah Tukaha, waxay tahay mid cajiib ah. Waayo Tukaha waa xayawaan dhagar badan, balse waxa duula oo dhan ayuu u xis iyo kas badan yahay. Garashada Tukaha waxaa kamid ah in uu aaso meydkiisa isaga oo xushmeynaya jirka shimbirkaas la tolka ah ee ka baxay qoyska. Wuxuu ka ilaalinayaa in eeyan haadda kale fagan korkiisa, isla markaas wasakhda ayuu ka dhowrayaa cimilada. Aqoonyahannada arinkaa u kuurgala, waxay sugeen in Tukuhu uu meydka u qodo qabri lamid ah midka ay dadku isu qodaan. Si uu godka uga dhigo mid dheer ayuu wuxuu ku faagaa cidiyaha iyo afka.
Waxaa maanta la yaqaan in kabadan 35 jaad oo Tuke ah, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan bahda loo yaqaanCorvus. Daba-gal ay sameeyeen dad aqoonyahanno ah ayaa lagu ogaaday in Tukuhu uu yahay midka ugu caqliga badan uguna dhagarta badan haadda. Arinkaasina waxay ku cilleeyeen in uu yahay midka haadda duusha (inta la ogyahay waa 10.000 oo jaad) ugu maskax weyn, marka miisaanka jirka iyo kan maskaxda leysu eego.
Waxaa Tukaha ka muuqda arimo tilmaamaya caqli-badidiisa sida garashada, haleelidda, xasuusta, awoodda xiriirka, ogaal is-gaarsiinta, falanqeynta dhibaatooyinka, dhisidda bulsho habeysan, howl-wadaaga ay kamidka tahay ugaarsashada, difaaca, xanaaneynta ubadka, cayaaraha, dhismaha aqallada. Waxaa kale oo intaa u dheer rabitaanka uu u qabo in uu wax cusub arko, taxadar iyo digtoonina ay weheliyaan. Wuxuu isku deyaa in uu la macaamilo qofka uu yaqaan iyo midka qariibka ku ah.
Soomaalidu goor hore ayay garteen in Tukuhu uu yahay haad garasho wanaagsan. Sheekooyinka ay reer miyigeenu isu tebiyaan waxaa kamid ah midan :
Tuke iyo Xuunsho ayaa sheekaystay oo iswediiyay goorta ay gartaan khatarta uu ku soo wado qofka ay ka digtoonyihiin. Xuunshadii baa waxay tiri : (Anigu waxaan wax gartaa marka dhagaxa laysoo qaato). Tukihiina wuxuu ku jawaabay : (Xuunshoy, dhimatay haddiiba aadan wax garan illaa aad aragto dhagaxa oo laguu soo qaadanayo. Anigu waxaan wax gartaa marka labada qof ay is dhugtaan).
Waxaa kale oo Soomaalidu ay si wanaagsan u ogaadeen in Tukuhu uu yahay haad
isku si u cunta hilibka iyo miraha. Sheeko-xariiradeenii waxaa kamid ahaa mar ay bah-weynta haadda isugu yimaadeen shir iyaga oo ka tashanay waxa ay cunayaan. Dood badan dabadeed waxay talo-saarteen Tukihii in uu u guddoonsho arinka. Markaas buu yir : ” Haad, wixii aniga iga weyn waxaan u jideeyay in ay hilbaha cunaan. Wixii iga yarna waxaan u jideeyay in ay miraha cunaan ”.
Isaga isma sheegin qolo uu raacay. Sidaa darteed ayuu hilbahana la cunaa kuwa ka waaweyn, mirahana la cunaa kuwa ka yar-yar. Hambeyn la’aanta iyo dhagarta darteed ayaa dad badani, oo Soomaalidu ay kamid yihiin, ay ku naceen Tukaha oo uu agtooda uga noqday tilmaam xambaarsan bacownimo. Waxaase jirta in uu qeyb lixaad leh ka qaato nadaafada cimilada iyo isu dheeli-tirka nolosha. Sanad walba Tukuhu wuxuu dilaa oo cunaa xasharaad dadka iyo dhirta dhib ku haya, kuwaas oo miisaankoodu uu gaarayo kumanyaal tan.
Tukuhu wuxuu kamid yahay bah-weynta haadda ah ee laysku yiraahdo Class Aves, kuwaas oo la gaar ah jaadka baalasha jirkoodu huwan yahayee sita qalab tiro ah ee ka shaqeeya dheeli-tirka kuleylka gudaha iyo midka dibadda. Baalasha ayaa waxay fuliyaan in ay hawada ku keydiyaan gudaha. Taasi waxay ka qeyb-qaadataa sugnaanta kuleylka jirkiisa ee aanan marna isbeddelin. Isla markaas waxay fududeysaa in uu dhib la’aan hawada u mushaaxo. Iyada oo ay jirto in haadda oo idil ay ku tilmaaman yihiin araga tiirada fog ee loo hibeeyay ayaa Tukuhu si gaar ah ay uga muuqataa tilmaamtaas. Meelo fog oo kore ayuu awoodaa in uu ka bidhaansado cayayaan dhulka korkiisa ama dhirta dushooda dul tukubaya, markaas buu ugaartaa.
Marka dib loo eego cimriga uu Tukuhu soo jiray, waxaa mudan in la xuso inta ay haaddu soo jirtay oo ah muddo lagu qiyaasay 150 melyan oo sano. Haadda kuwooda hadda nala nool ayaa cimrigoodu yahay 60 melyan oo sano. Waxaa halkaas ku cad in abuurka Tukuhu uu ka horeeyay abuurka aadamaha, ugu yaraan) muddo ka badan 55 melyan oo sano. Sidaa darteed buu hibada uu ka helay xagga Eebe wuxuu ku muteestay in uu noqdo macallinkii ugu hureeyay ee aadamiga.
Tukaha waxaa uu haadda dheeryahay awoodda uu u leeyahay in uu si dhakhso badan wax uga beddelo qalabka uu wax ku haleelo. Taasina waa ilhaam loo waxyoodo qalbigiisa (instinct). Wuxuu markaas si urursan u waajahaa arinkii uu doonayay (orientation). Waxay is-baraan urursanaan iyo isku xiraansho (learning by association). Waxay is baraan in ay walxaha kala soocaan (learning by discrimination). Waxay is baraan qiimeynta khaladka iyo saxa (learning by trial and error). Waxay is baraan qaabkii ay u xalliyi lahaayeen dhibaatooyinka (learning by problem – solving) iyo in la miinguursho xasuusta (memory imprinting). Waxay is baraan in ay la fal-galaan cimilada teeda wanaagsan (effect of the species – typical enviroment).
Sidaas bay u muuqataa in Tukuhu uu leeyahay caqli, xasuus, awood haleelid iyo wacyi uu ku hagaagsado dhaqankiisa bulshadeed iyaga oo is-kaashanaya isla markaasna uu ka dhexeeyo loolan iyo is rog-rog ay nolosha u kaashanayaan. Waxaa kale oo ay leeyihiin qalab xiriir ee sare (excellent communication skills). Tusaale xiriir cod, xiriir dhawaaq abuur, xiriir maqal, xiriir arag, xiriir wax-tilmaan iyo xiriir isu digid oo lays dhaafsado.
Tukuhu waxaa kale oo uu leeyahay maxkamado ay ku jaan-go’an yihiin cadaaladda bulshadeed ee wehelisa fidrada uu Eebe ku tallaalay uunkiisa. Mid kasta oo Tukaha kamid ah ee ka baxa qawaaniinta ay bulshadu sargoosatay, wuxuu mutaysanayaa ganaax. Dembiyada ciqaabta mudan waxaa kamid ah in Tuke uu ku xad-gudbo Tuke kale (mid lab ah ayaa faduulinaya mid dhedig ah, ama mid ka da’ yar). Waxaa kale oo ay isku ciqaabaan haddii lagu xad-gudbo cush mid leeyahay ama raashin mid meel dhigtay. Bulshadaasi, dembi kasta waxay u sameysteen ciqaab gaar ah. Tusaale, haddii Tuke weyni uu qaato raashin caruur leeyihiin, ciqaabtiisa waa isaga oo baalasha laga rifo si uu duulista uga hakado inta caruurta uu bililiqeystay ay ka awoodayaan in ay duulaan. Tukihii isaga oo dagaalamaya dumiya aqal reer Tuke ah leeyihiin, waxaa lagu xukumayaa in keligiis uu reerkii u dhiso aqal. Haddii fal kaas lamid ah uu soo cel-celiyo, Tukahaasi waxaa lagu xukumayaa in uu bulshada ka dhex baxo. Haddii mid lab ah uu kufsado Tuke dhedig ah, kaas fal-xumida la yimid waxaa lagu xukumayaa dil. Inta laysugu tago ayaa afkalagu mud-mudayaa illaa uu ka dhinto.
Sida caadada ah, maxkamadaha Tukuhu, waxay ka dhacaan meel dhir badan dhexdeeda, ama dhul bannaan oo cidla ah. Ujeeddaduna waa inaan laga mashquulin fadhiga. Waxaa kulmaya guddiga maxkamadda qaadaya. Midka denbiilaha ah meesha ayaa lakeenaa, isaga oo si xoog badan loo ilaalinayo. Inta dooddo socoto, madaxiisa hoos ayuu u dhigaa, baalashana waa uu debciyaa, isaga oo muujinaya in uu qirsan yahay denbiga loo haysto. Haddii denbiilaha lagu xukumo dil, waxaa markiiba ku soo boodaya koox kamid ah xubnihii fadhiga ka soo qeyb gashay. Waa ay isugu tegayaan iyaga oo la dhacaya afka iyo cidiyaha. Markii ay jirkiisa jar-jaraan oo uu dhinto, ayay qaadayaan oo ay geynayaan halkii ay qabriga uga qodi lahaayeen, si ay u xushmeeyaan jirkiisa oo ay u asturaan. Dabadeed qabri ayay u qodaan ku filan muga jirkiisa, halkaas ayay ku aasaan.
Sidaas baa Tukuhu uu dhulka Eebe ugu oofiyaa cadaaladdiisa, iyaga oo aanan eex iyo damac higsan. Cadaaladdaas oo aadamigu uu awoodi la’yahay xilli lagu faanayo ilbaxnimo, aqoon, hor u mar iyo garaad sare. Cadaaladda Tukuhu maahan mid u adeegta baahidooda iyo danaha gaarka oo ay xubnuhu higsanayaan, balse waa mid dhaqan-galkeeda ay dhaboodiso nafafyaalka muslimka ah iyo laab ku tallaalan isu dhiibka arinka Eebe. Markaas baa cadaaladdii waxay noqotay weji kamid ah nolol-maalmeedkooda.
Aadamiguse waa abuurkaas cajiibka ah ee damaciisa iyo dulmigiisa lala yaabay. Xilkii la saaray iyo boqortooyadii laguaaminay waxaa ka kexeeyay naf iyo hawo. Illaa uu isagu wax sharciyeysto, oo uu nolosha u kaashado garaadkiisa gaaban. Markaasuu ka dheeraaday cadaaladdii Eebe, isaga oo doonaya in uu hal-abuuro cadaalad aanan dheeli-tirayn ee la jaan-qaadda maslaxaddiisa gaaban. Markaasuu naftiisii dulmiyay, dabadeedna qeyrkiis ayuu dulan u geystay.
Qaabiil, aqoontii u muuqatay oo uu ka dhaxlay Tukaha ayuu qaatay oo ku aasay meydkii walaalkiis. Bulshada ilbaxa ah ee ka faa’iideysataa aqoonta ay bixinayaan adeegayaasha Eebe, waxay mudan yihiin in ay isu ururiyaan, cadaaladdana u oofiyaan sidaa Tukaha laynoo soo diray uu isu ururiyay, cadaaladdana u oofiyay.
                      XIGASHO;     DR- SAADIQ ENOW
                       W. Q         ;      BY -ABROONE

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player