Gaadhi Ciidan oo Ku Dhacay Duleedka Magaalada Laascaanood

 

Laascaanood (Gabiley News-idhanka):-Gaadhigan ayaa ka baxay gudaha magaalada laascaanood isagoo ku sii jeeday qaybta 12aad ee ciidanka qaranka Somaliland…
Labo askari ayaa ku geriyooday qaarkalena way ku dhaawacmeen gaadhi nooca dagaalka ah oo manta ku qalibmay duleedka magaalada laascaanood, gaadhigan oo ay wateen ciidamada qaranka Somaliland ,

Gaadhigan ayaa ka baxay gudaha magaalada laascaanood isagoo ku sii jeeday qaybta 12aad ee ciidanka qaranka Somaliland, gaadhigan ayaa dhacay saaka abaaro 8:00 Subaxnimo

Wuxuuna ku dhacay buundada booda ee dhanka bari ee duleedka magaalada laascaanood

Dhamaan gobaha dowlada ayaa tacsi baroordiiq ah looga sameeyey labada askari iyo kuwa dhaawacaha.

Askartan dhaawacantay ayaa dhaawacooda loo qaaday magaalada burco ee xaruunta gobolka togdheer,

Isku soo wada duuboo ma aha markii ugu horeysey ee shil noocan oo kale ahi ku dhaco ciidamada Somaliland ee ku sugan gudaha gobolka sool.

Source-Gabileynews

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes