FARIIN SHIRKA BULSHADA ADAL

WALI LAMA GAADHIN LAMANA GARAN WIXII DANTA U AHAA DADKA REER AWDAL

Sanadkii 1978 ayaa dugsiga la iga qorray magaalada Boorama,  waxanan ka baxay dugsiga sare ee Sheekh Ali Jawhar  sanaddkiin 1989-1990 , mudadaas  intii ka danbaysayna  waa ilaa 2008 kamaan fogayn gobolka Awdal  oo aan ka soo jeedo dhalosho ahaan, mudada intaas leegna wali wakhti ay manta ka xuntahay ima soo marin maalinba maalinta ka danbaysana waxad la kulmaysaa  wax ka yaab badan wax aad hore ula yaabanayd. Marka laga reebo sannadkii 1984 waxkhtigaas oo xumaan xaga dhalinyarada ka timid ka jirtay gobolka, taas oo beelo isku rogi gaadhay, lakiin odayada ayaa habaar badani ka dhacay waxanay arintaasi sobobtay dhacdo xanuun badan  oo diyaaradaha Itoobiya ay ku xasuuqeen  maati arday ah oo aan waxba galabsan,  taas oo lagu iloobay calool xumadii dadka dhextaalay.

Waxyaabaha aad la yaabayso waxa ugu horeeya dadkii aqoonyahanka ahaa waxa adeegsanaya kuwaan aqoontalahayn  taas oo aad la yaabayso ragbadan oo aad hormood bidaysay, waxyaabaha laysku haysto waxa ugu horeeya siyaasada taas oo Afrika oo dhanba arin ka jirta ah waayo dadku maskabka ama kursiga wuxu u arakay  shaqo fiican oo uu danahiisa uga faa’iidaysan karo marnaba ma jiro qof siyaasad u galaya aad umada wax u qabatid. Waxan arintaas uga jeeda maanta gobolka dadka siyaasada ugu jiraana waxba uma  qaban kuwa ku haystana waxba lagama sugayo. Kuwa kala taageerayaana cidlay ku daalayaan.

Ujeedada qoraalkaygani waxay tahay shirka aan maqalnay inuu maraykan ka dhacayo waxan u soo jeedinayaa fikirkayga  afar (4)  arimood.

  1.  
    1. Shirkaasi waa inaanu noqon mid ay kala jiidadnayaan siyaasadaha manta soomaaliya ka jira oo aanay jirin xag loo raacaba.
    2. Shirkaas waa inaan loo adeegsan magaca Samaroon kaas oo aanay u dhanayn beelaha gadabuursigu.
    3. Waa in lagu dhisaa urur adag oo loo dhanyahay matalina kara gobolka
    4. Shirkaasi waa  inuu noqdaa mid ka madaxbanaan dhamaanba siyaasada isla markaana lagaga hadlaa danaha beesha iyo sidii laysugu soo dhawayn lahaa waxna loogu qaban lahaa waxan aaminsanayay in bulshada halkaa isugu timid ay saamayn xoogle ku yeelan karto gobolka waa haday sida wanaagsan isku raacaan. Haday sidaas yeeliwaayaan waxan aaminsanahay in shirkaasi lagu guuldaraysan doono wakhti dhaw.

 

    Waa siday ila tahay ALLAA MAHAD LEH
    Hasan Muse Tanni
    hasantanni@yahoo.com 
    Doha(Qatar)
Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player