Hadraawi Heritage Foundation, maaha mid uu Hadraawi gooni u leeyahay, waanu wada leenahay, cidna kama sheeganayno”
Xubnaha Boodhka ka ah Hadraawi Heritage Foundation oo ay ka mid yihiin Abwaanada waaweyn ee Somaliyeed ee Xasan X C/lahi Xasan Ganay iyo Abwaan Maxamed Aadan Dacar ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hotelka Xaraf ee Hargeysa ayaa waxay ku soo bandhigeen Liiska xubnaha Boodhka ka ah kayd dhaqameedkaasi, waxaanay dadweynaha ka codsadeen in wax lagala qabto hirgalinta mahsruucan oo lagu ururinayo dhaqanka Somaliyeed
Abwaanadaasi waxay sheegeen xaruntan kaydka dhaqanka Somaliyeed inaanay ahayn meel Abwaan Hadraawi iskii u leeyahay ee ay tahay meel Ummadda Somaliyeed ay leedahay oo dhaqnkeeda lagu ururinayo iyagoo iftiiminaya arrintaasna waxay yidhaahdeen “ Hadraawi Heritage Foundation, maaha mid uu gooni u leeyahay, waanu wada leenahay, cidna kama lihin kamana sheeganayno” waxaanay intaa raaciyeen iyagoo u mahad naqaya cidii bilowday “ wax walba cidbaa bilowda, way ku mahad sanyihiin ragii bilaabay, waxaanu ka codsanynaa wixii wax na dhaama in badan baad nagu shaqaysanayseene inaad nala dhistaan oo waxaad nagu dhaantaan nagu biirisaan”
Xubnaha Boodhka ka ah xaruntan Hadraawi ayaa kala ah
Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi
Maxamed Xashi Dhamac Gaariye
Maxamed Adan Dacar
Xasan Ganay
Fadxiya Jaahuur
Abshir Xasan Xashi
Maxamed Baarjeex
Hinda Maxamed Jaamac
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi
Source Waaheen
















Posted in 





