Angelina Jolie oo u damqatay Soomaalida

 

Anglina Jolie iyo aabbaheed Jon Voight

Angelina Jolie iyo Brad Pitt iyo carruur ay korinayaan

Angelina Jolie, waxay sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda kumanyaal qof oo ku barakacay colaadda Muqdisho.

In ka badan 170 kun oo ruux oo Soomaali ah ayaa waxaa khasab ku noqotay in ay guryahooda ka qaxaan dalka Soomaaliya tan iyo sannadkan billowgiisii.

“Xanuun ayay igu haysaa qiimeyn la’aanta nolosha aadanaha ee Soomaaliya ka taagan” ayey tiri Angelina Jolie oo ah Danjire sharafeed, hey’adda Qaxootiga ee QM, UNHCR, waxay tiri.

Dad fara badan ayaa ka waxay Muqdisho. Qaar kalena wey ku hareen, kuwaas oo barakacay isla markaana aan haysan wax ay ku noolaadaan.

“Dadkaas noloshooda ayaan u baqayaa” ayey tiri Angleina Jolie, iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tiri ” waxaan ugu baaqayaa kuwa ku dagaallamaya Muqdisho inaysan madaafiicdooda iyo hubka kaleba la beegsan xaafadaha shacabku deggan yahay”

Anglina Jolie aabbaheed Jon Voight ayay la jishay Tomb Raider

Hadalka Angleina Jolie, wuxuu sii xoojinayaa, baaqii dhowaan uu sameeyay Madaxa Hey’adda Qaxootiga, Antonio Guterres oo ku baaqay in caalamku u dhug lahaado gacanna ka geysto bulshada nugul ee ku dhibaateysan Soomaaliya.

UNHCR waxay ku tilmaantay in dagaallo isdaba joog ah iyo ammaan darro guud ay ka dhigtay wax aad u dhib badan in hey’adaha gargaarku ay gaaraan dadka bara kacay.

UNHCR waxay tiri in ka badan 1.4 milyan oo ruux oo Soomaali ah ayaa barakacay, kuwaas oo guryahooda ka qaxay kuna sugan dalka gudihiisa.

Waxaa intaa dheer 570 kun oo ruux oo Qaxooti ku ah gobolka.

Angelina Jolie, waxaa dhalay jilaa isaguna caan ku ah aflaamta Hollywood, oo magaciisa la yiraahdo, Jon Voight.

Jon Voight, aflaamta lagu yaqaan waxaa ka mid ah Mission Impossible.

SOURCE  BBC

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes