Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Xaflad la Isku Arkay oo Xadhiga lagaga Jaray Shirkadda SOMTEL

March 06, 2010 By: Idhanka Category: News

  PDF Print E-mail
 
 
Hargeysa(Yool-Idhanka)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xasan Axmed Du’caale (Macalin), ayaa shalay si rasmiya xadhiga uga jaray shirkada SOMTEL oo ah shirkad isgaadhsiineed, taasoo ka hawlgeli doonta guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.Munaasibad balaadhan oo lagu maamusayay furitaanka shirkadan taas oo lagu qabtay hotel maan-soor ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Qaranka, Wasiiro, labada Guddoomiye Xisbi Mucaarid culimaa’u diin ganacsato iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.Ugu horayn xafladan ayaa waxa hadalo kooban ka jeediyey maareeyaha Shirkada SMOTEL Md. Xirsi Cali Xasan,oo isagu faah-faahin ka bixiyey qaab dhismeedka shirkada iyo adeegyada cusub ee shirkadu ku soo kordhisey suuqyada ganacsiga Somaliland maadama ay jireen shirkado hore oo bixin jirey adeegyadan oo kale, kuwaas oo kala ah qaybaha kala duwan ee Internetka sida DSL GPRS iwm, waxa kale oo maareeyuhu sheegaya ina samaynayaan landline ku shaqayanaya waayir la’aan.Waxa kale, oo md Xirsi madasha ka sheegay in shirkadooda SOMTEL  ay suurta gelinayso inay lacag la’aan kula hadli karaan cidii donaysa inay la hadasho Saddexda Murashax ee Doorashada Madaxtooyada, waxana uu intaa ku daray in ciidamada qaranka ay iyagana siin doonaan numbaro isku mida kuwaas oo leh fure isku mid ah, isla markaana ay ku dalici doonaan qiime ka hoosya ka dadka kale.

Sidoo kale, waxa uu xusay in shirkadoodu ay bulshada u diyaarisay khad tilifoon oo isku xidhaya dhamaan cusbitaalada gobolada dalka, halkaas oo ay ka heli doonaan qofba baahid iyo dhakhtarka uu u baahan yahay. Ugu danbayn waxa maareeyahu hadalkiisa ku soo khatimay inay diyaar u yihiin inay la galaan shirkadaha ka horeeyay tartan ku dhisan xor iyo xalaal, balse hadii la kelifo ay wax iska celin doonaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka Shirkada is gaadhsiinta TELESOM Md Maxamuud Xaji Adan, oo isaguna madasha ka hadlay,ayaa ku gaabsaday inay shirkad ahaan soo dhowaynayaan shirkada cusub ee ku soo biirtay suuqa isla markaana waxa uu carabka ku dhuftay  in loo baahan yahay tartanada noocan oo kale ah taasina ay wax weyn ka tarto dar-dar gelin inay la yimaadaan kuwii hore suuqa ugu jiray balse ay haboon tahay tartanadu inay noqdaan kuwo aan turxaani ku jirin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr Xuseen Bulxan oo isaguna fagaaraha ka hadlay ayaa ka xog waramay waaya aragnimada iyo khibrada uu ka bartay Somaliland dhinaca ganacsiga isgaadhsiinta waxana uu sheegay in dabayaaqadii sagaashamaadkii markii uu daraasadeeyay uu dalka keenay shirkad isgaadhsineed taas oo hirgelinteedu ku kacday 1600.000$ lacagtaas oo isagu gaar u lahaa kala badh. Hase yeeshee ujeedada ku keliftay aanay ahayn mid uu dhaqaale ku doonayay balse uu ka damqaday  kootadii aay dalka ku haysteen labadii shirkadood ee STC iyo SOLTELCO, kuwaas oo halkii daqiiqad dadka ka qaadi jiray 2.70cent, hase ahaatee markii shirkadiisu hawl gashay uu qiimaha miridhku tegay 0.80cent.

Hase ahaatee, markii danbe shirkadiisii la xaraashay isagoo safar maraykan ugu maqan laguna iibiyey qiime dhan 150.000$ ,ka dib markii ay dagaal xulufaysi ah la galeen shirkadihii waqtigaa jirey kuwaas oo dacwado kaga furay maxkamadaha dalka,balse nasiib wanaag markii danbe go’aankii kama danbaysta ahaa maxkamada sare u xukuntay isaga,wuxuuna Dr Bulxan geba gebadii kula dar daarmay ganacsatada Somaliland gaar ahaan isgaadhsiinta in hadii khilaaf dhex yimaado aanay u dacwoon maxkamadaha dalka balse khilaafkooda ula tagaan culimada iyo bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ka maid ahaa dadkii xaflada ka hadlay ayaa sheegay in munaasibadahan oo kale dadku u yimaadaan hunguri sida meherada oo gabaatiga ay soo doontaan,halkana ay maanta u yimaadeen moobilo bilaash ah,waxana uu intaa ku daray Md Faysal in moobilada dibeda sadexda gudoomiye bilaash looga dhigo,waayo ayuu yidh: “Anagu waxna waanu shaxaadnaa waana nala shaxaadaa markaa waxanu jeclaan lahayn in kuwa aanu dibeda kula hadlayno bilaash nalooga dhigo.”

Waxa kale oo mudane faysal duray caleema saaarkii ugaaska Ciise ee ka dhacday magaalada Seylac ee Xarunta Gobolka Selel,taas oo uu ku sifeeyay inay ahayd mid ka marag furaysa lahaanshihii seylac ee Somaliland oo gacanta ka baxay.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa isaguna kulankii xafladaa waxa uu ka cadeeyay inaanu ku soot ala gelin inuu wax siyaasad ah ka yidhaahdo xaflada maada ay tahay goob ganacsi hase yeeshee aanay ka fursanayn inuu dhawr kelmadood ka yidhaahdo weedhihii ka soo yeedhay gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe gaar ahaan arinta Seylac iyo caleema saarka ugaaska ciisaha.

Dhacdadaas oo uu sheegay inay ahayd mid dhaqameed gaar u ahayd beesha Ciise waajibaadka Somaliland ka saaranina ahaa sidii dadkaa isaga kala yimi Itoobiya jabuuti iyo Somaliland u sugi lahayd amaankooda,dhamaan hawlihii ka dhacay Magaalada Seylacna ay ahaayeen kuwo u dhacay sidii loogu tala galay.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa isaguna aad ugu mahad naqay shirkada somtel iyo xawaalada dahab shiil oo iyadu maal gelisay shirkadan waxaanu ka gaabsaday inuu madasha kaga hadlo wax siyaasad shuqul ku leh.

Source Yool

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole