Wefti ka kooban Golayaasha kala duwan ee Somaliland oo socdaal ugu kicitimay dalka Maraykanka

 

Khamiis, 18 March, 2010 (dhanka)- Wefti ka tirsan goleyaasha Somaliland, ayaa safar ugu ambabaxay dalka Maraykanka, ka dib markii sida ay sheegeen marti-qaad ay ka heleen Dawladda Maraykanka.

Weftigan oo ka kooban lix xubnood, waxay sheegeen in socdaalkoodu la xidhiidho martiqaad ay ka heleen dawladda Maraykanka, waxaanay shalay ka duuleen Madaarka Hargeysa.

Weftigan oo qaar ka mid ah Warbaahinta kula kulantay Madaarka Hargeysa, ayaa inkasta oo ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan, haddana waxay sheegeen inay ku sii  hakan doonaan dalka Itoobiya. Waxaana ka mid ah; guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye kuixgeenka 2aad ee golaha Guurtida Siciid Jaamac, Wasiirka Khaarajiga Cabdullaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), Wasiirka Daakhiliga Cabdullaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sh. Maxamed Cabdi.

Lama sheegin muddada uu qaaban doono socdaalka xubnahaa goleyaasha qaranka ka socda, hase ahaatee, waa markii u horreysay ee wefti ka socda saddex gole ee Somaliland socdaal ay ku midaysan yihiin ugu baxaan dalka Maraykanka.
 Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes