Wafti Balaadhan Oo ka tirsan Madaxda Xisbiga UCID ayaa Maanta Si wayn Loogu soo dhaweeyay Magaaladda Burco +Sawiro

Magaalada Burco ayaa maanta si aan kala hadh lahayn loogu  soo dhaweeyay Wafti balaadhan oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee UCID  oo uu horkacaayo Gudoomiyaha Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe ,Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Mudane C\raxmaan Maxamed C\laahi Ciro ,Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xasibiga UCID Aadan Mire Waqaf iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbigaasi.

  

Waftigan Xisbiga UCID ayaa waxa maanta Magaalada Burco ku soo dhaweeyay Kumanaan  Qof oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga UCID ee xarunta Gobolka Togdheer iyo masuuliyiintooda kuwaas oo watay boqolaal Gaadiid ah oo ay sudhanyiin Astaanta xisbigaasi ayaa Waftigan kaga hortagay wadada Laamiga ah ee xidhiidhisa  Burco iyo  Sheekh halkaas oo looga soo galbiyay ilaa iyo gudaha Magaalada.

  

Madaxda Xisbiga UCID oo markii danbe la gaadhsiiyay  xarunta Dhexe ee Xisbigaasi ku leeyahay Magaalada Burco halkaasi oo ay qudbado kala duwan uga jeediyeen dadweynihii soo galbiyay iyo Kumanaan kun oo Qof oo goobtaasi isugu soo baxay kuwaas oo ay uga warbixiyeen marxaladaha uu manta dalku maraayo iyo sida looga hortagi karo.  

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Enj.Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn Mikirifoonka lagu soo dhaweeyay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Anigoo ku faraxsan sida aan kala hadhka lahayn ee aad maanta reer Burcow noo soo dhawayseen waxaad tihiin dad qalbi furan oo wanaag jecel markaa manta socdaalkayagani waxa uu ka mid yahay safarka Sedex biloodkiiba aanu mar dalka ku maro”

Hadaba hadaan idiinka warbixiyo marxaladaha uu dalku maanta maraayo iyo taariikhihii la soo maray ,Anigu waxaan garanayaa markii aynu ku biiray dawladii kaligeed taliska ahayd ee Somaliya iyadoo meesha xoriyadaha Kiiniya ,Jabuuti iyo Suudaan looga doodaa ay tahay Gobolada Waqooyi ,Ganacsiguna waxa hugaaminaayay iyo Aqoontana waxay ahayd halkan aynu maanta joogno sidaa awgeed waa layna curyaamiyay oo dagaal ayaa laynala gallay awoodeeniina waa la dumiyay oo waxa laynoogu jawaabay waa Somali qaldaan balse Ilaahay wuu inoo hiiliyay markaa waxaan idin leeyahay reer Burco aduunyadu taariikhdeeda ayay raacdaa ee taariikhda yaan la iloobin” Sidaasi ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

Waxaanu intaasi ku daray Gudoomiyaha UCID isagoo hadalkiisa sii wata”Dawlada maanta dalka hogaamisaa waxay noqotay dawlad xafashtay oo dilaalad ah oo cashuurtii wadanka ayay fadhiga ku cunaysaa markaa  waxa laydiinka baahanyahay Shicibaw in aad u fiirsataan cida aad dooranaysaan oo aydaan qabyaalad ku taageerin axsaabta oo aad doorataan Xisbiga dalkan hugaamin kara mustaqbalkiisana toosin kara.

 

Anagu UCID ahaan hadaanu ku guulaysano Doorashada dalka ka dhicidoonta waxaanu idiin balan qaadaynaa in aanu soo celino adeegii bulshada mana jiraayo Qof danbe oo dalkan ka tahriiba mid u soo tahriiba mooyaane ”Sidaasi ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Gudoomiyaha UCID.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka C\raxmaan Maxamed C\laahi Ciro oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadnaqay dadkii Burco ku soo dhaweeyay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dadka qaar ayaa yidhaahda Burco waa laba qaybood balse waxaan u sheegayaa kuwa noocaas aaminsan in ay Burco mid tahay waxaanan idiinkula dardaarmayaa reer Burco in aad daaqada ka saartaan kuwa idin qoqobaaya ee doonaaya in ay mustaqbalkiina dumiyaan .

 

Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga UCID Aadan Mire Waqaf oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa usoo jeediyay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco in ay u miidoobaan dadntooda guud oo ay iska jiraan kala qaybsanaanta iyo wixii la halmaala.

  

Waxa iyana xaruntaasi ka hadlay Xil.Xuseen Maxamed Cige iyo Gudoonka Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer Cismaan Afgaab.

  

Ugu danbeytii Waftigan Xisbiga UCID ee Magaalada Burco booqashada ku yimi ayaa sheegay in ay dhamaan gobolada bari safar ku kala bixinayaan maalmaha soosocda iyagoo baritana la filaayo in ay ka qaybgalaan Munaasibad loo samaynaayo Dhakhaatiir ka qalinjabinaysa Jaamacada Burco.

 

Ramaasnews Desk

 

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes