Saylac-(Idhanka)-Sida la wada ogsoonyahay mudo badan ayay ka socotoy qabanqaabada soo dhowaynta iyo caleema saarka ugaaska beelaha Ciise, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, laguna caleema saarayo maanta oo isniinta madasha saylac ee xarunta gobolka Salal.
Caleema saarka ugaaskani oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan sida; xubna ka socday xukuumada somaliland, xildhibaano ka soo jeda gobalada Salal iyo Awdal, Salaadiin, Cuqaal, wax garad, dalin iyo dhamaan dhinacyada kala duwan ee kor ku xusan waxa ay ku soo dhoweyeen Ugaas Mustafe, duleedka galbeed ee degmada Toqoshi salay galab, halkaasi oo ay u soo galbiyeen caasimada gobolka Salal ee magaalada Saylac, taasi oo horay la isugu af gartay in lagu caleemo saaro Ugaas Mustafe maxamed ibrahim. Dhanka kale waxaa ka muuqday dhaqdhaqaqyo ka la duwan magaladan saylac kaas oo ka duwana midkii horay uga tagna, dhinaca dhaqaalaha, isu socodka gadiidka, iyo waliba sicirka wax lagu kala gato oo si lama filaan ah isku badalay kadib markii, ay soo galeen madaxa wafuuda, kasoo qaybgalaysa amaba lagu martiqaaday munasibada caleema saarka ugaaska beelaha ciise ugaas mustafe.
Sida aynu ku xuseyno hadii aynu eegno dhinaca sicirka shayda quudka amaba shaaha oo horay looga siin jiray meelaha qaarkood, 500sl ilaa 800sl ayaa hada isku shareeray in ka badan 1500sl taasi oo ay keentay isu socodka dhaqdhaqaaq dhaqaale iyo boqrida ugaaska sido kale maaha kaliya shaaha oo kaliya waxa uu ku kordhay sicirk shaywalba.
Sidoo kale waxaa kusoo kordhay magaladan Saylac is badal dhaqdhaqaaq taasi oo ah adeega ugu badan ee dhanka war isgaarsiinta ka fulisay shirkada war isgaadhsiinta ee telesom oo ah iyadu ta kaliya ee ka howlgasha degmadan saylac.
Source-Lughayanews
















Posted in 





