Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamed Xasan Mataan

Marxuum Maxamed Xasan Mataan Wuxuu Curad u ahaa Aabihi Xasan Mataan Axmed, Isagoo la dhashay 9 Wiil iyo 9 Sagaal Gabdhood.

Dhalashada:         26th October, 1959
Goobta Dhalashada:    Magaaladda Lafaciise- Degmadda Aw. Bare
Magaca Hooyadda: Xaliimo Aw. Elmi Aare & Faadumo C/laahi Suldan

Taariikhda Waxbarashada:

§    1968- 1976: Waxa uu ka baxay Dugsiya Hoose Dhexe ee
Wajaale

§    1976-1977:  Waxa uu ka baxay Dugsiga Tababarka MaamulKa
iyo Maareynta (CTC), Hargeisa, Somalia.

§    1978:         Waxa uu bilaabay Shaqada Hanti Dhawrka Qaranka
Muqdisho, Somalia.

§    1983:        Waxa uu Qaatay Bilada Abaal Marinta “Shaqo
Wanaag” Ee Heer Qaran Hargeisa, Somalia.

§    1986:         Waxa uu iskii uga Tagay Shaqadii Hanti Dhawrka.

§    1987-1988:     Waxa uu Joogay Sa’udi Arabia.

§    1989-1990:     Waxa uu Ganacsade ka noqday Muqdisho.

§    February, 1991:   Wuxuu ka Mid ahaa Marxuumku
Aqoonyahanadii tirada yarayd ee Sida Tooska ah U yimiday Degaamadii ay Ka soo Jeedeen Markii ay Soomaaliya Burburtay.

March- 1991:        Wuxuu ka mid ahaa, Si firfircoona uga qayb
qaatay Bilowgii Nabadeynta iyo Dib- U heshiisiinta Somaliland, isagoo isla,

April 27- 18 May 1991: Wuxuu ka qayb qaatay Ergooyinkii u
     Matalayay Gobolka Awdal Shirweynihii   
     Beelaha Somaliland ee ku Qabsoomay 
     Burco, Laguna Go’aamiyey la soo
     Noqoshadii Madaxbanaanida JSL.

Ka dib Shirweynahaasi, Marxuumku wuxuu Horseeday, Yab-yabkii Ganacsiga ee Gobolka, isagoo Noqdey Shakhsigii Ugu Horeeyey ee Abuura Kaalin Shidaal Boorama.

12 April 1992- 16 April 1992: Marxuumku wuxuu qayb ka ahaa
Dadkii Abaabulay Shirkii Lagu Mideynayay Afkaartii kala Duwaneyd, ee ay kala qabeen Dadweynaha Reer Awdal Gudo iyo Dibadba, isla markaasna lagu Go’aamiyey Sidii Kaalin Gurmad Nabad Gelyo Looga Qaadan Lahaa Dagaaladii Sokeeye ee  Berbera ka dhacay.

24 January -1993- 25- May 1993:  Marxuumku wuxuu ka mid
ahaa Aqoonyahankii iyo Waxgaradkii Suurto, Galiyey, Shiweynihii Beelaha Somaliland ee ku Qabsoomay Boorama, Isla Markaasina ku Dadaalay sidii ay shirkaasi uga soo Bixi lahaayeen Natiijooyin iyo Himmilo Shacbi.

Wuxuu Qayb ka ahaa Marxuumku:

Xoojintii Midnimadda iyo Wadajirka Shacbiga Somaliland, ka dib Markii ay aloosameen iska Hor-imaadyadii iyo Dagaaladii Sokeeye ee ka Qarxay Hargeisa.

§    1994-1996:     Wuxuu ka mid ahaa Aas-aasayaashii Hayaddaha
Maxaliga ah Ee ka qayb qaatay Dib- U dhiskii Deegaanadda Gobolka Awdal.

§    1996-1997:    Wuxuu ka Qeyb Galay Abaabulkii Shirweynihii
Sadexaad ee Beelaha Somaliland kuna Qabsoomay Hargeisa.

§     1997-2001: Wuxuu ka mid ahaa Aqoonyahanku wax  Garadkii
qaybta Laxaadka leh ku lahaa Hawlihii lagu horumarinayay Umadda,
Tusaale: Abaabulkii iyo Aas-Aasidii Jaamacada Camuud 1998.
 
§    2001:         Wuxuu ka Qeyb Galay Hawlihii Lagu Xaqiijinayay
laguna Meel marinayay Doonista Shacbiga, ahaydna Aftidii Dastuurka.

§    2002:        Wuxuu ka Qayb ahaa Aqoonyahankii iyo Wax
Garadkii ka Qayb qaatay Arimihii lagu Horumarinayay Dimuqraadiyadda iyo Is-Xukunka Dadweynaha.

§    2003-2009: Marxuumku wuxuu Hormuud ka ahaa Isku Xidhka
iyo Isfahamsiinta Bulshada, Mararka ay Yimaadaan Khilaafaadka iyo Iska Hor imaadyada Daneed (Conflict of Interest), Dhexmarana Masuuliyiinta  ku shuqlan Mihnadaha Siyaasadeed , isagoo inta badan sanooyinkan  danbe Deganaa London, wuxuu ahaa Nin Mar waliba Xaalaadka Dalkani si Joogto ah ula socday ugana shaqayn jiray, iskuna taxalujin jiray sidii loo Gaadhi lahaa Horumar Dhaqaale, Siyaasad, Nabad Gelyo iyo Bulshaba.

§    Marxuumku wuxuu ka mid ahaa inta farakutiriska ah ee  Markasta oo ay Dalkani Xaalad adagi soo Wajahdo ka Werweri jiray kana Soo Gurmanayay Dibada, Isagoo ay Hogaaminaysay Dareenkiisa wadani nimo, Is-Xilqaan iyo Aaminsanaantiisa inuu Qarankani Taabo Gal Noqdo.

§    Waxaa Lagu Xasuusan Doonaa oo Taariikhduna Xusi Doontaa, Kaalintii Firfircoonida, Geesinimada, Waxgarad Nimada iyo Hal Abuurka Lahayd ee uu ku lahaa Nabadeynta iyo Unkida Qaranimadda Somaliland, Horumarinta Geedi Socodka, Dimuqraadiyadda, Xoojinta Wadajirka, Wada Noolaanshaha iyo Iskaashiga Shacbiga reer Somaliland Gudo iyo Dibadba.

§    Waxaan Marnaba La Iloobi Karin, Hab-dhaqankiisii iyo Kartidiisii  uu kaga Duwanaa Da’diisa.

§    Waxaa lagu Xasuusan Doonaa Oon Marnaba Maskaxda Shacbiga Reer Somaliland ka baxayn, Horseednimadiisii Dhinacyadda kala Duwan Lahayd ee Ku Fadhiday  Samafalnimadda, kartida iyo Aqoonta Dadnimo (Bini aada.

§    Marxuumku wuxuu Bulshada uga Muuqday Meelkastoo uu joogaba Sida Dayaxa

§    Marxuumka Allaha u Naxariistee wuxuu 23/03/2010. saacaddu markay ahayd 6:00  Fiidnimo ee Saacada Geeska Afrikada Bari , ku Geeriyooday Cusbitaal ku yaala  Magaaladda London,  Wuxuuna ifka kaga tagay 10 Caruur ah iyo Hooyadood,  oo kala ah 4 Wiil iyo 6 Lix Gabdhood.

Ilaahay Waxaan uga Baryaynaa ugana Rajaynaynaa Inuu Jannadii Fardowsa ka Waraabiyo, Ehaladiisii, Qoyskiisii, Ubadkiisii, Asxaabtiisii iyo Dhamaan Umadda Reer Somaliland Samir iyo Iimaan Ilaahay ka siiyo.

AAMIIN, AAMIIN, AAMIN

 

Source-Bnn

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player