ayaa waxa ay noo sheegeen in ay qaban qaabadu halkii u sareysay marayso waxaa ka mid ahaa Axmed Mu’min Seed iyo Adam Nuur Faarax iyo laba iyo tobanka cuqaal ee Beel waynta Habar cafaa.
Suldaanka iyo waftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada meel u jirta 5km.
Suldaanka ayaa markii uu soo gaadhay magaalada fiiqeedaayaa waxaa kaga hortagay dadwayne aad ufarabadan oo ay ka mid ahaayeen 12caaqil ee beelwaytan Habar cafaan.
Siyaasiyiin, wax garad , aqoonyahano u badnaa beesha
Suldaanka oo lahadlay markii uu soo gaadhay tuulo uxigta magaalada oo la yidhaahdo Carro garanuug ayaa waxa uu sheegay in si wayn loogu soo dhaweeyay Dalka jabuuti gaar ahaan dadka uu u yahay Suldaanku ay kaga hor yimaadeen xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Somalilnad magaalada layidhaahdo Lawyacado. Waxa kale oo uu sheegay
in booqashadiisu ay ahayd mid Bulshada Reer Awdal/Salal ee ku nool dalka Jabuuti iyo Bulshada kale ee ku nool jamhuuriyada Somaliland isku xidhkooda iyo ka warhaynteeda sida uu u sheegay Saxaafada halkaas kaga hortagtay.
Waxa kale oo uu sheegay inuu la kulmay wasiiro, Xildhibaano iyo aqoon yahano. Ganacsato iyo Culumo ka soo jeeda Goboladan ayna ka wada hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Dhismaha iyo wax ka qabashada Dalkooda iyo Dadkooda.
Waxa kale oo uu suldaanku sheegay in uu daalan yahay dhawaana uu o faahfaahin doono Bulshada booqashadiisa jabuuti iyo arimo badan oo ay kala hadleen Dawalada Jabuuti.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dawlada kala hadleen wadooyinka u dhaxeeya Borama iyo jabuuti sidii loo hagaajin lahaa waxna laga qaban lahaa wadooyinka burbursan iyo xaga Tacliinta.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Ganacsade Abiibakar Xuseen Miicad(Shiine Dheere) ahana Gudoomiyaha Gobolka awdal ee xisbiga Ucid
uuna sheegay inay ka wada soo hadleen sidii loo xoojin lahaa ganacsiga ka dhaxeeya jabuuti iyo Somaliland gaar ahaan Goboladan Awdal/Salal, waxa uuna sheegay in ay kala soo hoyden rajo aad u heersaraysa.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Xidhiidhiyaha Gobolada Awdal /Salal ee xisbiga Ucid Dhinaca doorashooyinka Mudane Axmed Mu’min Seed, waxa uuna sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Suldaanka waxa ayna sheegey in uu suldaanka iyo waftigiisa maadaama ay taraag dheer soo mareen ay iska nastaan xiligan.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Duqa magaalada Borama Mudane C/raxmaan Shide Bile waxa uuna u mahadnqay waftiga waxa uuna sheegay inay waftigu daalan yahay sidaa darteedna loo baahan yahay in ay nastaa.
Ugu danbayn waxa Suldaanka iyo waftigiisa oo ka koobnaa tobaneeyo lagu soo galbiyay Gurigiisa oo ku yaala magaalaad Borama, waxaa halkaasna ku soo dhaweeyay dadwayne aad ufara badan oo ka qayb qaadanayay Soo dhawaynta Suldaanka iyo waftigiisa.
Source-bnn
















Posted in 





