Soomaalidu Waxay Tidhaa Daadku Intaanu Gurigaaga Soo Gelin Ayaa layska Moosaa

Waxan u mahad-celinayaa ilaaha awoodda leh, ee suuro galiyay inaan dhibaato ka dhicin caleemo saarka ugaaska ciise ee lagu caleemo saaray magaalada saylac bishan march. haddaba anigoo figraddayda uun ka hadlaya waxan aad iyo aad u taageersanahay  caleemo saarka ugaaska ciise iyo dhaqanka iyo kala dambaynta ay leeyihiin beesha ciise, weliba nidaamka ay u soo doorteen wiilka da,da yar ee shabaabka ah.

Waxan ilaahay uga bar-yayaa inuu noqdo ugaas khayr iyo barwaaqo iyo nabad ummadda u soo kordhiya- xilkiisana  si fiican u garta, weliba ka madax- bannaan, siyaasaddaha qallafsan ee ka jira geeska africa, gaarahaan kuwa ku soo galbiyay in saylac lagu caleemo saaro, kuwaasi oo ujeeddooyin kala duwan, meeshaa ka lahaa, dhaqankii beesha ciise iyo meeshii ugaaska caadada u ahayd ee lagu caleemo saari-jirayna  ka beddalay, kuna soo hogaamiyay meel cusub,  taasina ay  dadka dhulka deggan ku noqotay arrin cusub, oo wajiyo kala duwan leh.

Nasiib wanaag meeshaasi dadkii ku noolaa ilaahay dhibaato wuu ka nabad-galiyay, waxanan ka codsanayaa inay dantooda gar-taan wada noolaansho iyo walaaltinimo iyo dhaqan wanaaggana ku dadaalaan,
balse waxad ogaataan inaan siyaasiyiinta iyo salaadiinta ka soo kala jeeda ciise samaroon iyo isaaqa badankoodu aanay ka fikirin dhibaatada ka imaan karaysay meeshaasi, waayo arrintu waxay socotay muddo qorshaha caleemo- saarka iyo siyaasaddana laba waji in loo kala sameeyo ayay ahayd haddiise ismaaciil cumar geelle iyo daahir riyaale kaahin ay ku walaaloobeen arrintaas inayna  dantooda gaarahaaneed  dhawrin balse danta guud ay wax walba ka wayn tahay, weliba salaadiin samaroon oo ismaaciil omar geelle martiqaadyo kala duwan u fidinaayay in muddo ahna way jirtay. salaadiinta samaroona xisaabtan in lagu samaeeyo weeyaan lagana war hayo arrimaha ay ku kacayaan iyo heshiisyada ay galayaan,

ugu dambayntii qolooyinkan dambe ee iyaguna ku tallamaaya inay ugaas iyo salaadiin kale ku caleemo saaraan magaalada saylac uma arko midda hadda loo baahan yahay. waxa ka habboon midnimo samaroon oo wax laysku og yahay  haddii aanay midnimo iyo kala dambayni jirin sharaf iyo hoggaan midna la yeelan maayo, wixii kale ee hadda beel samaroon ahi ay ugu xadhko xidhato sidii ay saylac ugaas ama suldaan ugu caleemo- saari lahayd waxan odhan karaa waa xin la duul. xinkana meel laguma gaadho.  marka sharafta samaroon in la dhawro ayaa habboon,  waxa kale oo habboon in xeer samaroon iyo maamulkii hore ee jiri jiray la samaysto wada tashi iyo walaaltinimo loo dhan yahay oo aan cidna lagu gafayninna la sameeyo sidaas ayaa ummad jirta lagu noqon karaa. darisyadeenna si fiican oo aan af lagaaddo lahayn ha loola socdo cadkiinana raadsada oo cabasho uun yaan lagu jirin.

Wa billaahi tawfiiq by abdirahman barre

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player