Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Shirweyne ay isugu iman doonaan xubnaha mujaahidiinta Ururka SNM ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer

March 08, 2010 By: Idhanka Category: News

.

Shirkaasi oo salka ku haysa hawlaha nabad galayda ayaa baaq iyo ogaysiis lagu war galinaayo guud ahaan mujaahidiinta waxa ay goor dhawayd soo gaadhay Waryatv, waxaanay u dhignayd sidan

Tariikh: 08-03-10

KU: Dhammaan Saxaafadda Madaxa Bannaan

KU: Isgaarsiinta Internetka ama websiteyada

UJ: – QABANQAABADA SHIRWEYNAHA SNM.

Annaga oo ah Guddiga Qabanqaabada shirweynaha SNM, Waxaanu Halkan Ku soo Bandhigaynaa Qodobadan Hoos Ku qoran:-

1. Haddaanu Nahay Ururka SNM waxaanu Ogaysiinaynaa dhammaan SNM in uu jiro Shir ay isugu imanayaan Debed iyo Gudo-ba, Kaas oo ah Baaq Nabadeed iyo Aayo ka tashi.

2. Shirkaas oo ka dhici doona Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

3. Shirkaas oo qabsoomi doona wakhtiga warbaahinta qaybheeda kala duwan lagu faafiyo, soconna Doona muuddo 45 maalmood ah, kana Bilaabmaysa 8 da Bisha March 08-03-10.

4. Shirweynahaas oo ay ka soo qaybgeli doonaan, Ergo dhan 82 xubnood.

5. Waxa kaloo jira xubno marti sharaf iyo dhegaystayaal ba isugu jira oo ka soo qayb geli doona shirka, waxaana lagala soo xidhiidhayaa Guddiga qabanqaabada.

6. Waxaanu kale oo halkan si kooban ugu sheegaynaa arrimaha sababay qabsoonka shirweynahan,oo ah kuwan:

A. Nabad Gelyada Guud ee somaliland, in ay ka noqdaan kaalinta 1aad.

B. Dayac iyo tayo la aan ka muuqatay abaar ka soo Doogii SNM iyo agoomahoodii.

MAGACYADA XUBNAHA GUDDIGA QABANQAABADA.

1. FAARAX SICIID SUGULLE           GUDDOOMIYE

2. JAAMAC SHAWR CILMI             GUDOOMIYE KU XIGEEN AHNA AFHAYEENKA GUDDIGA QABANQABADA.

3. YUSUF SULUB DIIRIYE             XOGHAYE

4. CABDI JIRDE CAWED             XUBIN

5. XAYS WARSAME KAAHIN           .XUBIN

6. CABDI CALI AXMED              XUBIN

7. AXMED CAGAWEYNE             ..XUBIN

Kala so xidhiidh Xubnahan:
2522,4314109 / 2522,4332295 / 2522,4333477.

ALLAA MAHAD LEH

Source-Bnn

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole