Ruux ganacsade ah oo xalay lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo

 

Jimco, Mar, 05, 2010 (Idhanka): Kooxo hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa ku toogtay koonfurta Galkacyo nin Ganacsade ah oo si wayn looga yaqaaney Gobolka ,kaasi oo lagu magacaabi jiray Raage Max’ed Cali.Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka laga toogtay Feeraha iyo Madaxa taasi oo sababtay in uu geeriyoodo ,Waxaana goobta ka baxsaday Gacan ku dhiiglihii Falkaasi gaystay.

Taliyaha Ciidanka Maamulka Gal-Mudug ee koonfurta oo la hadlay wariyayaasha ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo lagu soo qabanayo ruuxii falkaasi Gaystay oo aan ilaa iyo hada la garan.

Marxuumka Geeriyooday ayaa la sheegay in Magaalada Galkacyo uu Wakiil uga ahaa Shirkada duulimaadyada ee Daallo ,waxaana Dilkiisa Canbeerayay ganacstada ku dhaqan magaaladaasi.

Dilka loo gaystay Marxuum Raage Max’ed Cali ayaa noqonayaa kii 4aad oo muddo Labo asbuuc gudaheed ah ka dhaca magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug oo ka wada taliya magaalada Galkacyo ayaa la filayaa in ay yeeshaan asbuucyada soo socda kulamo ku aadan amaanka Gobolka oo aad u soo xumaanayay baryihii la soo dhaafay.

Ugu danbaynta Ganacstada Galkacyo oo qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka go,antay sidii ay isku daafici lahaayeen ,iyagoo eedayn u jeediyay Maamulada ka jira Gobolka Mudug.

Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes