Roobab Maalintii labaad si isdaba jooga ah uga Da’aya Magaalada Borama iyo Nawaaxigeega+ Sawiro
Borama( Idhanka) Roobkii guga ayaa ka curtay Gobolada Awdal/Salal gaar ahaan magaala madaxda Gobolka Awdal ee Borama ayaa maalintii labaad si isdaba jooga ka Da’ayaan roobab la raystay.
Roobkan ayaa shalay duhurkii ka bilaabmay magaalada Borama iyo nawaxigeeda.
Roobkan ayaa maalintii labaad si isdaba jooga ku da’aya.
Roobkan ayaa waxa uu uda’ayaa sidii mayayga oo kale , circa ayaad arkaysaa Daruuro cadcad oo is xidhay Cidhif ka cidhif.
Roobkan ayaanan lahayn dabaylo, onkod, iyo dhagaxyaalo midnaba, waxa khasaara ahna illaa hada mid gaystay maaha marka laga reebo dhulka miyiga fogfog oo la soo sheegayo in xoolihii yaraa ee uga hadhay abaartii sanadkii hore ay roobabkani dileen oo ay ku baqtiyeen xerooyinkii ay ku jireen iyaga oo aanan haysan awood ayay iskaga difaacaan qoyaanka iyo qabowga faraha badan ee uu roobkani wato.
Dhinaca kale iskuulada , madarasadaha ayaaa maanta fasax ahaa maadaama uu roob xoogani ka da’ayay magaalada ardaydiina ay soo dhex qaadi wayday roobka iyaga oo ka cabdi qabay in ay dhardadaan buugtuna ay ka qoydo.
Meelaha suuqyada ayaad waxaad ku arkaysaa dhiiqo oo ay dadkii mari kari laayihiin oo aad khatar ugu sugan tahay inaad ku silbato lagana yaabo in uu dhaawac ku soo gaadho.
Dhiidhigan iyo dhooqada faraha badan ee suuqyada laga mari laayahay waxaa sabab u ah cagta dadka iyo taayirka gaadhiyaasha.
Dhinaca kale dadkii iyo baabuurleydii ayaa khaati bilaahi waxa ay iskula jiraan marka ay gaadhiyaashu marayaan wadada ayaa waxa wadada buuxa biyo dabadeed waxa ay ku maraan si xawaare ah biyihii meesha fadhiyay ayaa si toosa waxa ay ugu dhacaan dadka wadada maraya iyaga oo dhooqadii wata, waxaa mararka qaarkood dhaca gacan ka hadal iyo aflagaado ka timaada dhinaca dadka wadada maraya.
Isku soo wada duuduuboo roobkan illaa iminka da’ayaa waxaa la odhan karaa waa mid aad loogu baahnaa xili ay abaar baahsani ka jirto goboladan dhamaantood.
Waxaana la is odhan karaa waa raxmad illaahay u keenay dad ay abaar baahsani ku habsatay, illaahayna waxa uu yidhi risiqiinu waxa uu ku jiraa samada markaa mar alaaliyo marka uu roob da’o waxaa is bedela jawiga guud waxaana jaba meceeshada iyo xoolaha .
Source-Bnn


















