Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Mareykanka oo shaaca ka qaaday inuu gacan ka geysan doono sidii dowladda Soomaaliya ay dib ugu qabsan lahayd Muqdisho

March 10, 2010 By: Idhanka Category: News

 

Arbaco, Mar 10, 2010 (Idhanka) – Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afrika (AFRICOM) Gen. William Ward ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato sidii Magaalada Muqdisho ay u qabsan lahyad dowladda Soomaaliya.

Gen. William oo la hadlayay Senate-ka dalka Mareykanka isagoo ku sugan Magaalada Washington ee dalkaas ayaa sheegay in howlgalka ay kaga qaybqaadan doonaan qaab Milateri, inkastoo uusan sharraxaad buuxda ka bixin.

“Waxaan gacan ka geysanaynaa sidii Dowladda Soomaaliya ay uga saari lahayd Magaalada Muqdisho kooxaha kasoo horjeeda ee xiriirka la leh Al-Qaacida” ayuu sarkaalkan u sheegay golaha Senate-ka, isagoo sheegay in howlgalkan uu wax weyn ka tari doono daganaasho la’aanta raagtay ee ka jirta Soomaaliya.

Xukuumadda Mareykanka ayaa sheegtay inay kordhinayso gargaarka dhanka ciidanka ah ee ay siinayso Dowladda Soomaaliya, si ay uga guulaysataan kooxaha kasoo horjeeda oo ay rumeysan yihiin inay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Al-Qaacida.

Sarkaal Mareykan ah oo magaciisa qariyay ayaa todobaadkii hore u sheegay wargeyska The New York Times in ciidamo si gaar ah u tababaran iyo diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay howlgalka ka qaybqaadan doonaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inteeda badan gacanta ku haya xoogagga kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya, kuwaasoo iyaguna dhawaan sheegay inay iska difaaci doonaan weerar walba oo kaga yimaada Dowladda iyo Mareykanka.

Ilo wareedyo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale laga soo xigtay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ay qayb ka qaadan doonaan sidii ay dib gacanta dowaldda ugu geli lahayd Magaalada Muqdisho

Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole