Isniin, 29 March 2010 (Idhanka)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, isla markaana kaga qayb galay Aaska Marxuum Maxamed Xasan Mataan oo ku geeriyooday dalka UK.
Weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin xubno goleyaasha ka tirsan iyo masuuliyiin kale, waxay shalay galab gaadheen magaalada Boorama. Warku wuxuu intaa ku daray, in ujeedada socdaalka Madaxweynuhu la xidhiidho ka qaybgalka aaska marxuum Maxamed Xasan Mataan oo ahaa Afhayeenka xafiiska xisbiga UDUB ee UK oo maanta lagu aasay Borama iyo sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaalada nololeed ee gobolka Awdal.
Sida warku sheegay, weftiga Madaxweyne Rayaale waxa tuulada Gorayo-cawl oo ilaa 7 Km u jirta Boorama ku qaabilay masuuliyiinta dawladda ee gobolkaas, sida Badhasaabka Awdal, Maayarka Boorama iyo xubno kale.
Ma cadda muddada socdaalka weftiga Madaxweynaha joogi doonaan gobolka Awdal. Hase yeeshee, socdaalkani waxa uu ku soo beegmay iyadoo aanu muddo sannado ah Madaxweyne Rayaale booqan magaalada Boorama.
Source-Hol
















Posted in 





