Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Madaxda Puntland iyo Mudanayaal ka tirsan Barlamanka Somaliya oo kawada hadlay xiriirka Labada dhinac

March 09, 2010 By: Idhanka Category: News

Talaado, March 09, 2010(Idhanka): Wafdi ka socda Barlamanka Somaliya oo dhawaan soo gaaray Magaalada Garowe ayaa la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland ka dib shir ka dhacay Madaxtooyada Caasimada.
 
Xildhibaanada yimi Puntland waxaa hor kacayay Xasan Abshir Faarax ,waxaana kulamadii ay yeesheen Mudanayaashaasi iyo Puntland ay uga wada hadleen Xiriirka ka dhaxeeya Dawlada Somaliya iyo Maamulka.
 
Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo shir ku qabtay Gorowe ayaa sheegay in xildhibaanada ay u sii gudbi doonaan qaybaha kale ee Puntland ,inkastoo ay jiraan warar beeninaya Kulanka dhex maray Puntland iyo Dawlada Somaliya.
 
C/xakiim Axmed Guuleed Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa tilmaamay in xiriirka Puntland iyo Dawlada KMG ah ee somaliya uu aad u xumaaday Bilahan danbe,balse la hagaajin doono.
 
“Kulankeena badanaa waxaan uga hadalnay xiriirka labada dhinac waxaana ay dhambaal ka sideen Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Somaliya” ayuu yiri  Wasiirka oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta.
 
Mudanayaasha ka socda Parlamanka Somaliya ee ku sugan Magalada Garowe ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan qaar ka mid ah Isimada Puntland,iyadoo uu jiro war sheegaya in Xildhibaanadan ay danno gaar ah u joogaan Puntland.
 
Maamulka Puntland ayaa todobaad ka hor sheegay in la sii wadayo Heshiisyada ku aadan dhinaca Mashaariicda,Waxaana Iminka kulamada ka socda Gorowe ay u muuqdaan kuwii xaalada wax ka badali kara.
 
Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole