Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Maamulka Puntland oo ka hadlay diyaarado guuxooda laga maqlayo meelo ka mid ah Gobolka Mudug

March 08, 2010 By: Idhanka Category: News

Isniin, Mar 08, 2010 (Idhanka) : Maamulka DGPL ayaa markii ugu horraysay ka hadlay diyaarado la sheegay in guuxooda laga maqlayo meelo ka mid ah Gobollada Mudug iyo Nugaal oo ka wada tirsan Puntland.

Waxaa arinta Warbaahinta uga warbixiyay Godoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo shir ku qabtay magalada Garowe,waxaana uu sheegay in diyaaradahaasi aysan ilaa iyo hada Garan iyo waxa uu yahay u jeedkooda.

Godoomiyaha ayaa Tilmaamay in ay booqan Doonaan Degmada Garacad oo Guuxa uga badan ee diyaaradhaasi laga maqlayo xiliga habeenkii ah gaar ahaan waqtiyada danbe.

Waxaa noo soo dacwooday dadka degaanka Garacad oo ka cabanaya diyaaradahaasi oo la sheegay in xitaa ay  ugaar ka qaateen meelo ka mid ah Gobolka Mudug”ayuu yiri Godoomiyaha oo la hadlay qaar ka mid ah Wariyayaasha

Cabdi Xirsi Cali Godoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa ku baaqay in Maamulku uu arintaa Go,aan ka gaaro,iyadoo ay jirto Cabsi ay qabaan dadka deegaanada Mudug iyo Nugaal oo arintan laga dareemayo.

Degmada Garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug waxaa afduub loogu haystaa Maraakiib shisheeye ,Waxaana jira warar hoose oo tilmaamaya in lamaanayaasha Biritin ay ku afduuban yihiin gobolkaasi.

Ugu Danbayntii Madaxda Puntland ayaa laga sugayaa in ay ka jawaabaan su,aalo badan ku saabsan diyaaradahaasi iyo dhibaatooyinka ay qabaan dadka ku nool Mudug iyo Nugaal.

Source-hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole