Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Iska hor imaadyo goos goos ah oo u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda KMG oo isku dhinac ah iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdish

March 05, 2010 By: Idhanka Category: News

.

Iska hor imaadkan oo watay Duqeymo ayaa waxaa uu dhacay Nawaaxiga Tarbuunka iyo Isbitaalkii xooga, waxaana la maqlayay maanta madaafiic xoogan oo ahaa kuwo la is dhaafsanayay.

Laba ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen dagaalada iyo duqeymaha dhex maray labada dhinac, waxaana wali adag in la ogaado qasaaraha kala gaaray..

Dhaawacyada dadka shacabka ah waxaa la gaarsiiyey Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalena dagaalka saamayn ku yeeshay isku socodka gaadiidka BL-ka iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee isticmaala agagaarka Isgosyka KM4.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray degmada Hodan Iska hor imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo dhinacyada ka soo horjeeda, waxaana iska hor imaadyada ay yihiin kuwo soo noq noqday

Source-Qarannews

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole