Gudoomiye Faysal Cali oo ka hadlay Xafladii Cumar Geele Saylac ku sameeyay, Una Digay

 

Mar. 08 – (alnuur-Idhanka)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Md. Faysal Cali-waraabe oo xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in shirqoolo halis ahi ku socdaan Somaliland, isaga oo sheegay in qaybo ka mid ah Somaliland dad kale sheeganayan, waxaanu tusaale u soo qaatay Degmada Saylac oo dhawaan lagu caleemo saaray ugaaska beesha Ciisaha oo ay ka soo qaybgaleen ra’iisal-wasaaraha dalka Jabuuti, isaga oo xusay in wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo sallaadiinta reer Somaliland ee xafladaa ka qaybgalay lagu bahdiley Saylac.

??19 sannadood ayeynu Somaliland, Somaliland meelahaa ka lahayn, waxaan idiin sheegayaa maanta qaranimadeenii waxa lagu soo qaaday weerar,

Wixii Saylac maalintii dhawayd (waqtigii caleemo-saarka Ugaaska) ka dhacay waxay u eekayd iyadoo qaranimadii Saylac ee Somaliland la inala sheegtay, waxa yimi Ra’iisal-wasaare dal kale ka yimi, waxa joogay Wasiirka Daakhiligeena kumuu hortagin oo soo muu dhawayn, wax allaale wax baratakool ah oo uu wasiirkeenu ku lahaa may jirin, casuumadda caleemo-saarku waxay inooga timi Jabuuti, waxay ahayd in haddii dhulkeenii wax lagu qabanayo aynu innagu bixino casuumadda oo aynu baratakoolka yeelano.?

Gudoomiye Faysal oo la hadlaya koox kale oo ka qeyb galaya xaflad Cumar Geele ugu yeedhay Jabouti waxa uu yidhi.

?Salaadiinta reer Somaliland waxaan uga digayaa, waar adeerayaalow ha ordina marka la yidhaa meel baa shir ka dhacayaa ee talo ku taga, sharaftiina ilaashada oo idinka oo wax wata oo dadka metalaya taga, haddii qolana hadho, qolana cararto sidii taa ka dhacday ayuun baa cidlo la idinka helayaa oo wax maamuus ah iyaguna may helin.?

?Soomaaliya maanta waxa laga wadaa arrin ah ha la dhiso, intii is-raaci kartaa ha is-raacdo, khariirado ayaa la samaystay, waxaana kii u horreeyey samaysay UNHCR, Ceerigaabo iyo Laascaanood waa la inaga jaray oo waxa la hoosgeeyey Garoowe, arrintaa dawladdeenu kamay hadal, waxaan tagay Wasaaradda Khaarajiga si aan u idhaa arrintaa maxaad uga hadliwaydeen, wasiirkii wuu maqnaa, ku-xigeenkii wuu maqnaa, kii cusbaa baa joogay [Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibada], kaana waxaan is idhi ninkani waxba lama socdo.?

?Waxaan idiin sheegayaa reer Somaliland-now, Somaliland aan ficil lahayn oo aan dawladda shaqaysa lahayni ma jirayso, dawladda maanta joogtaa way jirtaa magac laakiin ma shaqaynayso. Markaa walaalayaal doorashada aynu xoogga saarno, inta dawladdani joogtana ha shaqayso oo ha la toosiyo ee waxaanu leenahay dawladdii Somaliland-nay toos,? ayuu yidhi; Faysal Cali-waraabe

Source: Aljamhuriya

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes