Guddiga Doorashooyinka oo ku Dhawaaqay Shirkada la Siiyey Qandaraaska Samaynta Kaadhadhka Cusub
Hargeysa(Idhanka)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta sheegay inay Shirkad Koonfur Afrika laga leeyahay siiyeen Qandaraaska lagu sameenayo Kaadhadh cusub oo lagu gali doono Doorashada Madaxtinimada Somaliland.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabtayn Xaruntooda Hargeysa ayey Guddiga Doorashooyinku ku cadeeyeen inay bixiyeen Qadaraaskaas iyadoo Shirkaa Jraa’id uu ka hadlay Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Md Maxamed Axmed Xirsi Geele
Shirka Jaraa’id oo Dhamaystiran ayaa wuxu u dhicay sidan:-
“.Sidii caadada inoo ahayd marka aynu muddo joognaba waxa aanu dadweynaha uga warami jirnay halka ay wax inoo marayaan, run ahaantii su’aal ayaa jirta had iyo jeer aad na waydiisaan oo ah goorma ayaad doorashada qabanaysaan ama ku dhawaaqaysaan, maanta shirka jar’aaid waxaan u qabanay ma aha ka jawaabida arrintaasi, su’aasha aan ka jawaabayaa waxay tahay waaxa weeyaan halkee ayay wax inoo marayaan, waxay inoo marayaan shaqadii Gobolada waanu soo dhammaynay, waxaanu soo dhisaynay Maamulkii Komishanka ee Heer Gobol iyo Degmo,
muddo laba wiig ah ayaanu ku maqnayn Bari iyo Galbeedba taasi iyada waanu soo dhammaynay, si fiicana way noogu soo dhammaatay oo aanu isku waafaqsan nahay anaga iyo Xisbiyada Qaranka ee ay khusayso, wayse iska jirayaan kollayba cabashooyin meel walba ka soo baxaya marka hawl la galo, laakiin waxay u muuqataa wixii khalad ah ee dhaca ee khafiifa ee la liqi karo la iska dhaafo, anaga iyo Xisbiyada wax khilaaf ah oo ka dhashay maamulkaasi aanu soo dhisnay ma jirto.
Arrinka ugu muhiimsan ee aanu shirkan jaraa’id u qabanay waxa weeyi waxaad maqasheen ama dadweynuhu maqleen in la bixinayo kaadhadh cusub oo lagu footeeyo waa xaqiiqo jirta weeyi hore ugamaanaan waramin, sababta aanaan uga waramin waxay ahayd Xeerka inoo yaala ayaa waxa uu dhigayaa Komishanka ayaa badali kara Kaadhka oo nooc cusub soo saari kara oo uu xeerku u jidaynayaa isagoo kala tashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xisbiyada Qaranka,
dabadeeto inta aanaan dadweynaha u soo bandhigin waxay ahayd iyaga in aanu la tashano, wada-tashigii aanu la yeelanay Xisbiyada ee runtii warku ka soo baxay oo dadweynaha gaadhay iyagaa Jaraa’idka u waramay laakiin wax tafaasiil ah oo kale aan ka sii bixin, isla markaa waxaanu sugaynay Miisaaniyadii iyo kharashkii lagu soo daabacayay wax jira weeyi oo xaqiiq weeyi, marka la sifeeyo Liiskii hore ee Diiwaangelinta ee inaga xumaaday ee khaladaadka badani ay galeen marka la sifeeyo ee wixii ku cel-celin ah laga saaro inta inoo soo hadhay ee saafiga ah ayaa la siin doonaa kaadhadh cusub, dadweynahana aanu u soo bandhigi doonaa, goobihii hore ee laga codeeyay aanu gayn-doonaa liiskii cusbaa iyo kaadhadhkii cusbaa ayaanu goobihii hore ee la iska diiwaangelaiyay gayni doonoo dabadeedna dadku halkaasi ayay iman doonaan sidii markii horebe ay u yimaadeen ee ay isku diiwaangeliyeen halkaasi ayuu qof waliba ka qaadan doonaa kaadhkiisa cusub labadii hore ee la siiyayna laga xarayn doonaa wixii tafaasiil ah ee halkaasi ka iman doona iyo qofkii iska waaya arrimaha noocaas ah olole balaadhan oo wacyi gelin ah oo aanu qaadi doono ayaa lagu tafaasiilayn doonaa. Waxase aan dadweynaha u sheegayaa sababta aynu u sammaynay waxa weeyi khaladkii hore ee inaga galay Diiwaangelintii hore, kala sifayntii wakhtiga inagu qaadatay ee aanu wadnay dhinac kasta markaanu ka eegnay si loo helo Doorasho xalaal ah oo ay uga soo baxdo natiijo xalaal ah waxa daruuri noqotay in la badalo kaadhadhkii hore kuwa cusubna la sammeeyo oo kuwii hore ka adag oo aan la foojari garayn karayn, taasina waa la isla qaatay, Wasaaradda Daakhilga waanu isla qaadanay maca Design-kii waa la sammeeyay Axsaabtuna way nagu waafaqeen, Nimankii qaadhaan bixiyayaasha ahaa ee lacagta bixinayayna way waafaqeen in ay galiyaan lacagtii, qandaraaskiina waan bixinay dhawr Kambani ayaa u soo tartamay dabadeedna kii ugu fiicnaa ee ugu dhakhsaha badnaa ee ugu amaansanaa ayaanu qaadanay dhowr shirkadood oo Somalilander ah ayaa ku jiray,
Qandaraaskuna wuxuu ahaa mid Caalamiya oo ay ka soo qayb geli karaan Shirkadaha waaweyn ee Caalamku iyo kuwa reer Somaliland-ba, dhowr Kambani ayaa soo tartamay oo aad u fiicnaa oo reer Somaliland ah, laakiin duruufaha aynu joogno markaanu eegnay waxay noqotay kuwii wadaniga ahaa in lagaga wanaagsanaaday shuruudihii markaas aanu doonaynay tiiyoo aan macnaheedu ahayn waxa la qadiyay dad wadani ah waxaanay arrintu anaga noola muuqatay sida hawshaasi anaga noogu suurta-galayso in cidda ugu fiican ee inoo sammayn karaysa amingeeda iyo nidaamkeedu fiican yahay ayuu hamigeenu ahaa, nin wadani ahi wax ha helo ama yaanu wax waayin midna may ahayn, kii ugu habboonaa ayaanu qaadanay.
Arrin kale ayaa jirta oo dadku aad isku waydiiyaan oo ah Server-ka hawshiisii halka ay marayso tolow wax ma ka soo baxayaan mise waxba ka soo bixi mayaan, hore ayaan idiinku sheegay sidii uu u shaqayn lahaa, gogol dhig ayaanu wadnay, aqalka marka la dhisayo seeska waa la qodaa, sagbad iyo nidaam ayaa lagu shubaa, inta hore ma muuqato oo dadku ma arki karaan wax dhismay, horte seeska ayaanu soo wadnay, imika uun baanu talaabadii u horaysay qaadaynaa, Server-ka hawshiisii waa lagalay, laba nooc ayuu noqonayaa midi waa ka isagu iskii isku sifaynaya ee Duplicate-ka iyo dadkii ku cel-celiyay soo saarayo midna waxa weeyi qaladaad kale oo aanu mishiinku soo saari Karin ileen mishiinku caqli malahee taasna in loola tago gacan aadami oo ay ishu eegto, waxa jira ilaa dhowr iyo sagaashan kun oo cod bixiye oo server-kii hore akhriyi kari waayay ayaa jira oo Xisbiyadu mar taasi isku raaceen in meesha laga saaro, haddana waxay noqotay tiro aad u faro badan oo aan laga tagi Karin, taasi waxay kaliftay in aanu u sammayno Tiimam faro badan ama dad aqoon u leh IT-ga aanu galino, kuwii uu kala saari kari waayay Server-ku way soo baxeen wixii khalaad ah ee ku jirana waa laga saarayaa, haddaan idin tuso dadka khaladaadka sammeeyay waxa jira caruur yar oo kuraas la saaray oo is diiwaaneliyay, waxa jira nin qori sita.
Xeerka Diiwaangelinta ayaa wuxuu dhigayaa marka la dhameeyo diiwaangelinta Gobolada iyo Degmooyinka ma jiro qof dambe oo la diiwaangelinayaa, diiwaangelin cusub waxa la furi doonaa uun marka ay dhammaadaan Doorashooyinka inagu soo fool leh ee Madaxweynaha illaa ta Dowladaha Hoose, kuwaasi marka ay dhamaadaan ayaa Komishanku ku dhawaaqi doonaa wakhtiga dambe ee la qabanayo Diiwaangelinta, dadkii aan is diiwaangelin waxaanu u sheegaynaa in aanay jirin diiwaangelin cusub oo la sammaynayo.
Si haddaba Doorasho xor iyo xalaal ahi inoogu dhacdo in la inoo maal-geliyo mar labaad bixinta kaadhadhkaasi cusub, markaasi dhinaceenii ay timid oo intii kale soo dhammaynay aduunkii ina caawi, maal wixii uu ina siin lahaa ina sii, khubaro wixii uu ina siinayay in sii, waa la shaqaynayaa, doorkeenii ayaa yimid, taas dambe haddii aynu sidii tii hore u kharibnay u kharibno wax inoo hagaagayaa ma jiraan, haddaynu hagaajino way inoo hagaagaysaa,
sidaasi darteed waxaan maanta dadka ka codsanayaa waxa imika la sammeeyay dad uun baa sammeeyay kuwa ku cel-celiyay inaga uun baa sammaynay guryaheena ayay joogaan waa qof wal oo kasta oo qaatay laba kaadha ama wax ka badan waad ogtihiin inta qof ee is diiwaangelisay ee ku cel-celisay haddii ay jirto taasi waxaanu ka codsanaynaa dadkaasi in ay iskood iskaga keenaan kaadhadhka dheeraadka ah ee ay is diiwaangeliyeen, hal kaadh ayaanu u ogol nahay, kii meeshii ugu horaysay iska diiwaangeliyay mid ayaanu u ogol nahay, haddii aad Ummad Islaam ah aad tihiin oo wadankeena iyo aayihiisa dan aynu ka leenahay waxaanu idinka codsanaynaa oo aanu baaq ujeedinayaan cidii hal kaadh wax ka badan qaadata in ay iskeed iskaga soo celiso oo maalinta aanu bandhiga sammaynayno keenaan ama ka hor ay keenaan xafiisyada Gobolada ee Komishanka, taasina waxay noo hawl yaraynaysaa in ay noo soo deg-degto hawshii shaqadu oo mishiinka aanu ku baadhaynaa hadaanu ogaano oo ay aroorta iska keenaan xafiiska noogu keenaan dee waa laga saari doonaa.”
Source-Bnn


















