Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG oo maanta shaaciyay in uu iswaafajiyay Diinta Islaamka iyo dastuurka dalka

March 09, 2010 By: Idhanka Category: News

 

Talaado, Mar 09, 2010 (Idhanka) – Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho guddoomiye ku xigeen guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG ah ee Soomaaliya C/qaadi Sheekh Ismaaciil ayuu ku sheegay inay soo gabgabeeyeen iswaafajinta dastuurka iyo Diinta Islaamka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in guddigooda uu la kaashaday arritan culumo Soomaliyeed, kuwaasoo qaarkood ay ka yimaadeen dalka dibaddiisa, ayna soo afjareen, una gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya.

C/qaadir, wuxuu sheegay in dastuurkan marka ay xubnaha baarlamaanka ogolaadaan loo gudbin doono shacabka Soomaaliyeed si afti loogu qaado, markaas kaddibna uu noqon doono dastuur shaqeeya.

“Dastuurkan waa mid waafaqsan diinta Islaamka, waxaana markii ay shacabku ku aqbalaan cod kalsooni ah uu noqon doonaan dastuur badala midka hadda dalka lagu maamulo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka oo ah ku simaha guddoomiyaha.

Guddigan oo ay dowladdu sannadkii hore u saartay inay soo diyaariyaan dastuur Islaamka waafaqsan oo lagu badalo midka hadda dalka uu ku dhaqmo ayaa dhawaan sheegay in heer gabogabo ah uu u marayo sameyntiisa.

Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in dastuurkan uu noqon doono mid dalka oo dhan ku baahi doona, isla markaana qaabka ay dowladdu ku dhisan tahay ee 4.5-ka ah wax looga badalayo, isagoo xusay in maamulka dalka uu noqon dono mid Asxaab ku dhisan

Source-hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole