Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC) 

Ref: Sharmoc1811009    

 Date:11 March 2010

Ujeeddo: Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee Sharmoc Oo Uga digay Dhinacyada Ku Dagaalamaya Muqdisho Dembiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu cambaareynayaa  muujinayaana Walaaca iyo Welwelka uu ka qabo Dagaalkii Khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Xaafado ku yaala Magaalada Muqdisho, waxa uuna dhinacyada Dagaalka wada uga digayaa in tacaddiyadda Xuquuqda Aadanaha ee ka dhasha dagaalka ay iyagu Masuul ka noqon doonaan. 

Sida ay Xaqiijiyeen Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho dagaalkii iyo Duqaymihii Shalay ayaa gaystay Khasaarihii ugu badnaa ee dhaca bishan, waxaana geerida dadka rayidka ah gaartay 40 qof halka dhaawaccu kor u dhaafay 87 qofood oo ay ku jiraan Haween, Caruur iyo Dad waayeello ah.

Duqayn looga jawaabayey Dagaallo ay Kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Fariisimo ciidan oo ku yaala Xaafado ka tirsan Shibis iyo C/Casiis oo ay deganaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa sababay khasaaraha nafeed ee ugu badan, waxaana rasaasta iyo madaafiicda Habowga ah ay gaarayeen Goobo ay ku nool yihiin dad rayid ah.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Somaliyeed ee (Sharmoc) oo booqday Cusbitaalada Madiina, Dayniile iyo Keysanay ayaa waxaa naxdin ku noqday tirade dadka Shacabka ah ee yaalay Goobahaas Caafimaad iyo tacadiyada soo gaaray ugana yimid dhinacyada dagaalamaya oo aan u turin shacabka una bareeray in ay ku kor dagaalamaan.

Haddaba Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc waxa uu ka dalbanayaa dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho in ay si shuruud la’aan ah Dagaalka ku joojiyaan, dhowraanna Maslaxadda Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada iyo diifta xooggani haysato, maxaa yeelay Xilligan dhinacyadan dagaalamaya ma ahan kuwa ay u muuqato dhibta gaareysa rayidka Magaalada Muqdisho ee ay isku bahaysteen Colaadaha Raagay, Nolol xumi joogta ah iyo Amniga naftooda oo maalin walba khatar ku ah.

Dagaaladan ayaa ah kuwa ka hor imaanaya Xuquuqda dadka rayidka ah u leeyihiin in ay ku helaan Nabad iyo Xornimo ku noolaasho sida uu dhigayo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha qodobkiisa 3-aad, sidoo kale Shareecada Islaamka ee Mamnuucday in dhiig si xaq darro ah loo daadiyo waxaa sidoo kale uu dagaalku ka hor imanayaa dhaqanka Suuban ee Somalida ee ay ka reeban tahay in la waxyeeleeyo dadka marasta ah.

Ugu Dambeyn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu uga digayaa dhinacyada Dagaalamaya in ay ka fogaadaan falalka sababi kara ku xadgudubka Xuquuqda Aadana guud iyo tan shakhsiyadeedka gaarka ah, waana in ay ku xisaabtamaan in uu jiro Maalin ay Caddaaladda hor iman doonaan.

Wabilaahi Towfiiq

Nadia Haggi Hassan

Masuulka Xafiiska Muqdisho

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)

Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes