Ref: Sharmoc1911009
Date:27 March 2010
.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu cambaareynayaa muujinayaana Walaaca iyo Welwelka uu ka qabo Falalka Ururka Al-Shabaab ay ku burburiyeen Qubuuro ay ku aasnaayeen Wadaaddo Caan ka ahaan Dalka Somalia siweyna loogu yaqiinay fidinka Diinta Islaamka.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadnaha ayaa wax laga naxo ku tilmaamaya falkaan oo caro iyo argagax ku beeraya Malaayiin qof oo Soomaali ah oo isugu jira aheladii ay kasoo jeedeen Wadaaddada la burburiyey Qubuurtii ay ku aasnaayeen isla markaana lafahooda lagasoo saaray loona qaaday meel aan la garan.
Maleeshiyaad ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan kana tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa subaxnimadii Talaadada eek u beegnayd 23/03/2010 burburin u gaystay Qabriga Sheikh Muhudiin Celi ee Degmada Kaaraan, waxaana ay gudaha u galeen Qabriga oo ay kasoo saareen haraaga Sheikh Muhudiin Celi oo geeridiisu ku aadanayd 1982-dii, iyagoo isla maalintaas sidoo kale burburiyey Qabriga Sheikh Ahmed Hagi ee Degmada Kaaraan.
Waxaa sidoo kale maalintii xigtay ay burburin u gaysteen Qabriyada Sheikh Aden Dheere iyo Sheikh Ali Muumin, waxaa sidoo kale ay burburin iyo qodis isugu dareen Qabriyada Mo’alim Mohamed Biyamaalow iyo Sheikh Ali Abdulle, waxaana tirade qabriyada ay qodeen ay ka dhigaysaa ilaa 6 qabri oo Muqdisho ku yiilay halka ay horey usoo burburiyeen qubuuradii ku yiilay dhamaan Gobalada Koofurta Dalka Somalia oo dhamaantood ay ku jiraan Culma’udiin can ah oo siweyn looga diin qaaday, waxaana cabsi weyn laga qabaa in maalmaha soo socda ay burburiyaan qubuuro kale.
Waxaa aad u muuqata carada iyo hadal haynta Shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda, waxaa sidoo kale isisoo taraya cabashooyinka soo gaaraya Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed ee Sharmoc taasoo muujinaysa in ay jirto cabsi dhab ah in shacabka Soomaaliyeed ay jawaab celin aan lamahadin ka bixiyaan falalkaas, taasoo sii kordhin karta dhibaatadii horey u jirtay taasoo haysatay shacabka Soomaaliyeed.
Falalkaan Al-Shabaab kula kacayaan Qubuuraha ay ku aasan yihiin Culimo usoo halgamay Dalka Somalia, qayb weynna ka qaatay in Islaamku si habsami leh ugu nagaado Dalka Somalia, waxaa sidoo kale Culimadaas qayb weyn ka qaateen in Islaamku ku faafo Dalalka Ethiopia, Kenya iyo Eritrea, waxaana falkaas yahay mid ka dhan ah Diinta islaamka iyo Dhaqanka wanaagsan ee Somalida oo ay ku tahay arrin ugub ah.
Ugu Dambeyn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu uga digayaa Ururka Al-shabaab in ay ka waantoobaan dhaawaca ay u gaysanayaan malaayiin qof Somalia ah oo isugu jira Ehelada dadka qubuurtooda la qodayo iyo dadkii ka waxbartay, waana in ay ogaadaan in ay arrintaasi u horseedi karto dacwad ka dhan banii aadamnimada.
Wabilaahi Towfiiq
Nadia Haggi Hassan
Masuulka Xafiiska Muqdisho
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)
Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com
















Posted in 





