Waxa in baana la hadal hayaa qoraallo iyo hadallo kusoo baxaya shabakadaha wararka iyo jaraaidka kasoo baxa Somaliland ,wararkaasoo dhinaca xun uun ka eegay caleemosaarka ugaaska ciise lagu caleemo saaray magaalada Saylac iyo xafladihii loo qabtay caleemo saarka Ugaas Musatafe .Xafladahaasi oo ahaa kuwa ay raalli ka ahaayeen madaxda iyo masuulyiinta dalalka jaarka ah ee Itoobiya ,Jabuuti iyo Somaliland ,isla markaana madaxdii dalalkaasi iyo maartisharaftii lagu casumay munaaabadaasi ay ahayd mid aad looga raalli ahaa , si wanaagsanna ku dhammaatay .
Haddaba markaan dib u eegno maqaal kusoo baxay shabakadda wararka ee Lughaya.com 1dii Bisha March ,,iyo qoraal ka dambeeyey oo kusoo baxay Haatuf ee isla bishaasi 5teedii ,ayaa caleemo saarka Ugaaska Ciise ee magaalada Saylac looga dhigay mawduuc nurkiisu ahaa “caleemosaarka UgaaskaCiise e magaalada Saylac maalin madow bay ku tahay soomaaliland iyo awdal “.
Anigu ma garanayo ujeedada mawduucyada caynkaas loogu baahimnayo shacbiga isjecel ee walaalaha ah, waxana aan u arkaa uun mid lagaga dhex abuurayo xumaan iyo tuhun lagu kala fogeynayo xidhiidhka wax wada qabsi ee dadyawga dalalkaasi ku kala nool .hadalada qoraalkaasi xambaarsanaa aya sidoo kale laga dhadhansanayey isku dir ,qalaanqal ,iyo abuuritaanka ifafaalo colaadeed oo anay cidi galabsan ,isla markaana lagu kala jarayo isku socodka ,iyo walaalnimada dadka ku wada nool dalalkaasi .
Shacbiga Jabuuti ku nool ,iyo kuwa ku kala nool dalalka Somaliland iyo Itoobiya , ayaan manta ahayn ku manta la kala dhexdhigi karo waxyaalo iyo tuhunno kicin kara dhinac kasta oo ku kala nool dalalkaasi ,hase yeeshee cidda an ogeyn sidaasi u qaadan karti in shucuubtaasi wax kala haystaan ,ama midba mid ka kale qabsanayo ,isla markaana shaki badan kala dhex dhighi kara dalalkaasi dawladahooda iyo shacbigoodaba.
Haddana usoo laabto ugaaska Ciise ,Ugaas Mustafe,waa nin ka mid ah da’yarta shucuubtaasi qayba ka mid ah usoo dooratay inuu ku hoggaamiyo barwaaqo iyo nabad ,balse maa ahayn siyaasi dal kale lagu soo dhaweynayo, waana lagu soo dhaweynayey nidaamkii dhaqanka iyo xeerka beeshaasi Ciise lahaan jireen , mana ahayn mid wax loogu dhimayey qarannimada dalka Somaliland ama gobolka Awdal ,sidaa darteedna cidda aaminsan waxyaalahaasi,ayaan kula talin lahayn inaysan dhegeysan dacaayadaha raqiiska ah ee lagu faafiyey warbaahinta gudaha iyo debeddaba .
Guud ahaan markaan eegno habkii iyo nidaamkii loogu talogalay caleemosaarka Uaaska Ciise ayaan ogeyn inaysan ka dhicin wax rabshado ah ,isla markaana anay cidi cid ku qabsanin ,balse ay ahayd mid loogu kala tegey sidii loogu talogalay ,waxana caaleemo saarkaasi ahaa mid iskusoo dhaweynaya xidhiidhka dhaqan ee ka dhexeeya madaxdhaqaameedyada dalalkaasi ,iskuna baranayeen , cidkastoo ku tilmaantay xaflad dhul ama dal lagu qabsanayaayina beenbay sheegtay, sidaa darteedna loo baahan yahay inaan shaki la kala gelin madaxdhaqameedyada salaadiinta ,ugaasyada,iyo dadweynaha ku kala nool dalalka deriska ah ee aan sinaba ku kala maarmin hadday ganacsi tahay ,hadday isku socod tahay iyo xidhiidh dhinaca ehelka
Ugu dambayntiina waxan leehay,meel kastoo adduunyada ka mid ah ahba way jiraan shakhsiyaad ama dad kasoo horjeeda wanaagga la sameeyo , waxana jira dad kale oo jecel wanaagga ,labadaa arrimood ee an soo sheegay oo kala ah in aanay wax siyaasad ahi ku jirin caleemosaarka Ugaaska Ciise ee magaalada Saylac iyo inay ahayd xaflad ay isku baranayeen ,iskuna qaddarinayeen madaxdhaqameedyada saddexdaa dal ayaa cid kastaa garan kartaa an runtu tahay tan ka xoog weyn beenta ,iyadoo wanaagaasina ay xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti iska kaashdeen ,kuna bixiyeen xooggoodii iyo xoolahoodii ,mana aha in labaa dalba lagu cambaareeyo xumaan anay ka mutaysan caleemosaarka Ugaaska Ciise ee magaalada Saylac, iyadoo ay mudantahay in cid kastoo xoogga saartay xafladdaasina qabsoomiddeedana loo mahadceliyo ,laguna ammaano balse aan lagu fadeexadanin..
Xaaji C/kariim Xuseen
Boorama, Somaliland
Source-Lughayanews.
















Posted in 





