Dayaarad nooca dagaalaka una eg tan kor ku sawiran ayaa maanta galinkii dambe lagu arkayey hawada magaalada Kismayo
Talaado, Tuesday, March 09, 2010 (Idhanka) – Waxaa Maanta gelinkii danbe lagu arkay Hawada Magaalada kismaayo Diyaarad Nooca Dagaalka oo ku dulwareegeysay hawada magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Diyaaradan oo aan la garanayn halka ay kasoo duusha iyo weliba ujeedada rasmiga ah ee ay leedahay ayaa galabta lagu arkayay hawada magaalada kismaayo iyada oo ay diyaaradaasi ku dulwareegeysay daafaha magaalada, waxaana Ciidamada Maamulka Xarakada alshabaab ee ka arimiya magaalada kismaayo ay ku rideen hubka lidka diyaaradaha.
Shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa waxa ay cabsi ka muujiyeen diyaaradani oo ah nooca dagaalka wallow aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geysatay diyaarada.
Sikastaba ha ahaatee diyaaradani maanta lagu arkay hawada sare ee magaalada kismaayo ayaa ku soo beegmeysa xilli maalmahan si weyn looga hadal hayay koonfurta wadanka Soomaaliya duqeymo ay sheegtay dowlada Mareykanku in ay ka geysan doonto qaar kamid ah goobaha ay gacanta ku hayaan Ururrada Islaamiga ah ee Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Source-Hol
















Posted in 





