Diyaarad ay Leedahay African Express oo Bosaaso Ku Dhacday +Sawiro
Diyaarada African Express oo ka mid ah Diyaarada howlgala Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxyeelo ka soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ka dib markii diyaarada oo Xawaare sare ku soconeysa ay ka baxday Dhabaha Diyaraadaha ku caraaraan ee Runway-ga Garoonka Boosaaso
Diyaaradan oo ahayd mid Todobaadkan Ka shaqo biloowday Deegaanada Puntland ayaa waxaa saarnaa rakaab farabadan kuwaasi oo qaarkood ahaa kuwo transit ahaa inakasta oo aysanjirin waxyeelo soo gaartay rakaabka hadana waxaa uu burbur xoogan Gaaray guud ahaan Diyaarada African Express
Masuuliyiinta Shirkada African Express ee Boosaaso oo warbaahinta SBC International Khadka telfoonka kula hadlay ayaa sheegay in Diyaarada ay ku socotaya ka dibna ay Ka baxday wadada Balse aysan jirin Cilad kale oo diyaarada ku timid waxaana ay sheeegeen inaysan Jirin cid wax ku noqotay
Diyaarada African Express ee Maanta ka baxday Dhabaha Diyaaradaha ee Garoonka Boosaaso ayaan ahayn markii ugu horeysay oo ay diyaarad wax ku noqoto Garoonka Banderqaasim waxaana Dhawaantan diyaarada Daalo Ay ku dhacday gudaha garoonka ka dib markii ay jabtay Lugta hore ee Diyaaradaasi
Garoonka Banaderqaasim oo ka mid ah Garoomada Dalka Soomaaliya islamarkaasina ay mudooyinkii ugu danbeeyay ka socdeen Dayacatirka Tarminalka iyo Wadadaba ayaa waxaa ku soo daga kana dhoofa Diyaarado farabadan oo ukala goosha Dalalka Caalamka iyo Kuwa Gobolkaba.




SBCLIVE


















