Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho

March 05, 2010 By: Idhanka Category: News

Jimco, Mar 05, 2010 (Idhanka) Dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga kasoo hojeeda ayaa saakay ka dhacay qaybo ka tirsan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo ahaa mid toos ah ayaa bilowday aroornimadii hore ee saakay, kaddib markii xoogagga Islaamiyiinta ah ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, sida gurigii Shaqaalaha ee Jidka Maka Al-Mukarama.

Inkastoo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay aan la garanayn, ayaa haddana goobjoogayaal ku sugan deegaannada lagu dagaalamay waxay sheegeen inay arkeen maydadka laba qof oo rayid ah iyo dhaawac intaas ka badan.

Madaafiic xooggan ayay ciidamada AMISOM ku garaaceen deegaanno ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag gaar ahaan xaafadaha ku dhow Suuqa weyn ee Bakaaraha, mana jirto cid si dhab ah u sheegi karta khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay ayaan weli ka hadln, iyadoo dagaal maalin ka hor ka dhacay Muqdisho uu geystay dhimashada ugu yaraan 15-qof iyo dhaawac kor u dhaafaya 50-qof oo la dhigay Isbitaallada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyay ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda, iyadoo dhinac walba uu sheegayo inuu dhinaca kale ka saarayo Magaalada.

Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole