Daawa Muuqaalada Guud ee Xabaasha Marxuum Maxamed Xasan Mataan

Borama(Idhanka)sida aan wada ogsoonahay ayaa dhawaan , uu ku geeriyooday cariga Engriiska, Marxuum:Maxamed Xasan Mataan Illahay naxariistii jano ha ka waraabiyee..marxuumka ayaa la filayaa in maydkiisa la keeno Degmada Borama, halkaas oo lagu aasi doono.

Hadaba saaka ayaan waxaan booqana, xabaasha loogu talagalay , ee lagu aasayo Marxuumka.Xabaasha ayaa waxa ay ku taala Magaalada Borama, seerihii hore ee Borama meel u jirta in yar.

Xabaashan ayaa saaka waxaa ku sugnaa markii aan booqanay, dad aad ufarabadan oo xabaasha qodayay.

Dhinaca kale waxaa ilaa shalay ku soo qulqulayay Magaalada Borama, wufuud aad  ubalaadhan, taas oo doonaysa inay ka qayb qaataan, Aaska Marxuum Maxamed Xasan Mataan, oo la filayo in la keeno, magaalada Borama Barri.

Akhristayaasha waxaan u sheegaynaa,inaan si toosa idiinkula soo socodsiin doono Aaska Marxuumka haduu alla yidhaahdo

 

 

 

 

 

 

 

Source-Bnn

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes