”
Isniin 01, Mar 2010 (Idhanka) Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqorre oo saxaafadda Muqdisho la hadlay maanta ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeyay baarlamaanka uu sababi karo inay xildhibaannadu is-dilaan.
Boqorre ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeyay xildhibaannada uu la mid yahay kii soo dhexgalay xildhibaannada markii TFG-da la dhisay, markaasoo uu khilaafkoodu gaaray inay gacanta iskula tagaan.
“Xildhibaannadu waxay u qaybsan yihiin laba qaybood, koox waxay leedahay sharci ahaan wuu dhamaaday muddadii ay xilka haynayeen guddoonka Baarlamaanka iyadoo kuwo kalena ay difaacayaan guddoonka, waana taas midda keenta kala jabka” ayuu yiri Boqorre.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu intaas ku daray in xildhibaannada ay haystaan dhibaatooyin dhinaca mushaaraadka ah taasoo sabab ay u tahay in dowladdu aysan kaalmooyin ka helin caalamka.
“Dowladda Soomaaliya kama hesho caalamka wax kaalmooyin ah, taasna waxay keentay in xildhibaannada aan la siin mushaar muddo sannad ku dhow, iyadoo saameyn ku yeelatay sii socoshada kulammadii baarlamaanka” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.
Baarlamaanka ayaan wax kulammo ah yeelan wixii ka dambeeyay bartamihii sannadkii hore, iyadoo ay taagan yihiin khilaafyadii mudanayaasha baarlamaanka, waxaana jira xildhibaanno ku adkeysanaya inuu dhammaaday xilligii shaqo ee Sheekh Aadan Madoobe iyo ku xigeennadiisa lana doorto hoggaanno cusub
Source-Hol
















Posted in 





