Ciidanka Qaranka Somaliland oo Xoog kula Wareegay Ammaanka Degmada Saylac
Ammaanka goobta iyo magaalada Saylacba nabad-gelyada waxa gacanta ku haya ciidamada Somaliland ha ahaadaan kuwa booliska iyo kuwa qarankaba”
Wasiirka Dalxiiska Somaliland.
Saylac (bnn/Jam-Idhanka)- Ciidanka qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay xeebaha galbeed ee dalka, ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegay ammaanka guud ee degmada Saylac oo ay maanta ka dhacayso xaflad aad u ballaadhan oo lagu caleemo-saarayo Ugaaska 19aad ee beelaha Ciise.
Munaasibadda caleemo-saarka Ugaaska beesha Ciise oo ay gebi ahaanteed soo qabanqaabisay dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay ka qaybgalayaan madax iyo masuuliyiin aad u tiro badan oo ka kala socda dalalka Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo kumanaan qof oo isaga kala yimi meelo kala duwan, ayaa sida qorshuhu ahaa waxa sida la sheegay markii hore loo qorsheeyey ilaalinta ammaankeeda ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka socda waddanka Jabuuti, kuwaas oo gelinkii hore ee shalay ka soo tallaabay xuduudka Somaliland.
Haseyeeshee, waxa qorshahaas is hortaagay ciidanka qaranka Somaliland oo iyagu gelinkii dambe shalay si rasmi ah ula wareegay gacan-ku-haynta ammaanka guud ee madasha caleemo-saarka Ugaaska beelaha Ciise, isla markaana degmada Saylac ka saara dhammaan ciidammada Jabuuti ka yimi, markja laga reebo Ilaalada gaarka ah ee Ugaaska la caleemo saarayo iyo xubno tiro yar oo ah illaalinayae wasiirrada iyo madaxda dawladda Jabuuti ee Saylac u jooga ka qaybgalka xafladda lagu boqrayo ugaaska.
Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay cawayskii ilo-wareedyo xogogaal ah Taliyaha Qaybta Galbeed ee ciidanka qaranka Somaliland Col. Maxamed Cismaan Xudhuun oo horkacayey cutubyo aad u hubaysan oo ka tirsan ciidammada qaranka, ayaa gabbal-dhacii shalay si buuxda ula wareegay maamulka ammaanka guud ee degmada Saylac iyo madasha caleemo-saarka Ugaas Rooble, kadib markii ay ciidamada Jabuuti ku amreen inay degdeg uga baxaan carrada Somaliland, arrintaas oo ciidanka Jabuutina u hoggaansameen, dibna ugu laabteen dalkooda isla xalay fiidkii.
Go’aanka Taliye Xudhuun dalka kaga saaray ciidammada ee xadgudubka ku yimi degmada Saylac, ayaa sida la sheegay noqotay mid dadweynaha reer Somaliland aad u soo dhoweeyeen, taas oo lagu tilmaamay inay ahayd tallaabo aad loogu baahnaa oo ciidanka qaranku ku badbaadiyeen karaamada iyo jirintaanka qarannimao ee Somaliland.
Taliyaha qaybta galbeedka ciidanka qaranka oo aanu xalay isku daynay in aanu la xidhiidhno ayaanay noo suurtogalin, balse sida wasiirka dalxiiska Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo warbaahintu wax ka weydiisay cida sugaysa ammaanka madasha ay ka dhacayso caleemo saarka Ugaaska Ciisa, ayaa sheegay in ammaanka goobta ay sugayaan ciidammada Somaliland oo isugu jira booliska iyo Qaranka.
“Ammaanka goobta iyo magaalada Saylacba nabad-gelyada waxa gacanta ku haya oo sugaya ciidamada Somaliland ha ahaadaan kuwa booliska iyo kuwa qarankaba. Waynu ku filan nahay ammaanka. Waxyaabo badan oo fududayn ah oo la iskaga baahan karo mooyaane’e maadaama ay yihiin wadan aynu jaar nahay,”ayuu yidhi Wasiirku
Bilowga Caleemo-saarka Ugaaska Beesha Ciise, Jawigii Timo Xiirkiisa iyo cidhiidhiga ergadda buux dhaafiyey Saylac
Magaaladda Saylac ayaa la ciirciiraysa dad aad u xad dhaaf ah oo isgu jira qaybaha kala duwan ee bulshada haday tahay madax-dhaqameedyadda, siyaasiyiinta, abwaanadda, aqoonyahanadda, suxufiyiinta iyo dadweyne kale oo xad dhaaf ah, kuwaasi oo markii guryihii buux dhaafeen la dejiyey goobaha kale ee lagu qaban jirtay adeegyadda dadweynaha sida dugsiyadii ardayda ardaydu wax ku baratan.
Waxa kale oo jira marti badan oo aan xalay la dejin oo magaaladda dhex coogcoogayey, kuwaasi oo qaarkood casho la’aan u seexdeen, gaadiidka magaaladda jooga waxa ugu badan kuwa sita lambarada Jabuuti, taasi oo muujinaysa in martida ugu badan ee ka qaybgalaysa caleemo saarka Ugaasku yihiin reer Jabuuti, iyada oo dhinaca kalena wufuuda ka tagtay dhinaca Somaliland ay muddo badan ku xanibnaayeen dooxyadda waaweyn ee xeebta galbeed oo ay ka socdeen biyo ay sababeen roobabka dalka ka curtay.
Ugaaska 19aad ee beesha Ciise Ugaas Maxamed Ibraahim Rooble, ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaadhay degmada Saylac ee galbeedka Somaliland, halkaas oo la filayo in si rasmi ah maanta loogu caleemo-saaro xilka dhaqan ee loo doortay ugaaska.
Ugaas Rooble oo sida dhaqanka beesha Ciise dhigayo shalay timaha lagaga xiiray meesha la yidhaa Gadhka Ugaaska oo ku taal duleedka tuulada Caasha-caddo, iyadoo ay gelbinayaan kumanaan qof oo isugu jira masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Jabuuti, odayaasha dhaqanka beeshaas iyo boqollaal dadweyne ah, kuwaasoo isla gelinkii dambe soo gaadhay degmada Saylac ee Gobolka Salal, halkaas oo lagu qabanayo xaflad ballaadhan oo maanta lagu caleemo-saarayo ugaaska 19aad ee beesha Ciise.
Ugaaska 19-aad ee beesha Ciise waxa shalay ka soo galbiyey dalka Jabuuti wasiirrada Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan ciidammada dalkaas. Sidoo kale waxa iyaguna gelbiskaasi ka qeybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo kala ah Wasiirka Daakhiliga Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Cabdirisaaq Waabari Rooble, iyo Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Md. Cali Cilmi Geelle, sidoo kalena waxa soo dhoweynta ka qaybqaatay dadweyne aad u tiro badan oo tubnaa hareeraheeda waddada markii abbaaro 11:00 barqanimo ee shalay ugaasku ka soo tallaabay xuduudka dalka Jabuuti.
Sida dhaqanka beesha Ciise dhigayo Ugaaska waxa shalay lagaga xiiray timo dhaadheer oo aan muddo 8 bilood ah mar qudha makiinad la taabsiin meesha la yidhaa Gadhka Ugaaska oo ah goob-dhaqameed timaha lagaga xiiro ugaas kasta oo beesha Ciise yeelato, iyadoo markii timaha laga xiirayey laga qariyey dadweynaha iyo saxaafadda.
Markii timaha laga xiiray Ugaas Rooble waxa loo kaxeeyay dhinaca tuulada Toqoshi oo ku taal duleedka degmada Saylac, halkaas oo uu kulan kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas, inkastoo sida hab-maasuuska dhaqanka ee beeshu yahay in aan shalay oo kale loo oggolayn ugaaska inuu cid la hadlo, haddana waxa kaalintii hadalka u buuxinayey guddi-dhaqameedka qabanqaabada xafladda caleemo-saarka, kuwaasoo la hadlayey dadweynaha isugu soo baxay soo dhoweynta iyo gelbiska ugaaska.
Gelinka hore ee Isniinta maanta ayaa sida qorshuhu yahay la filayaa in Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Rooble badhtamaha magaalada Saylac loogu sameeyo xaflad-dhaqameed tii ugu ballaadhnayd abid ee lagu caleemo-saaro madax-dhaqameed ku abtirsada magaca Soomaali.
Munaasibadda caleemo-saarka ugaaska beesha Ciise ee maanta ka dhacaysa degmada Saylac oo ay soo qabanqaabisay dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa la filayaa inuu ka soo qaybgalo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee cagta saara carrada Somaliland tan iyo intii ay madaxbannaanideeda la soo noqotay sannadkii 1991kii.
Ugaask Rooble oo muddo toddobaad ah ku sugnaan doona degmada Saylac, waxa sida xeerka dhaqanka ee beesha Ciise dhigayo ka hor inta aannu fadhiisinkiisa dalka Itoobiya ku laaban waxa uu socod ku sii mari doonaa magaalooyinka Ceel-gaal, Lughaya, Xariirad, Jidhi iyo Cabdulqaadir oo ka mid ah degaannada Somaliland ee ay degto beesha Ciise.
Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo Idaacada madaxa bannan ee Radio Horyaal wax ka weydiiyey in madaxda ka qaybgalaysa caleemo saarka Ugaaska Ciisaha ay ka midyihiin madaxweynayaasha Somaliland Iyo Jabuuti Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Md. Isamaciil Cumar Geelle, waa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaain ah ka bixiyo, wuxuuna jawaabta su’aashaa ku soo koobay “Anigu taa kama jawaabi karo.”
Jamhuuriya Online


















