Ciidanka Booliska magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa ay qabteen walxa qarxa kaasi oo la dhigay meel u dhow Isbitaalka guud ee magaaladaasi oo ku taala dhanka Galbeed.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in walxahaasi gacanta lagu soo dhigay ka dib marki ay Ciidanku sameyaan howlgalo.
Waxaana uu hadalkiisa ku daray in ay usoo qabteen Nin lagu tuhunsanyahay inuu halkaas dhigay isla markaana doonaayay inuu sameeyo weerar qarax,isagoo sheegay in Laamaha Amniga ee gobolka iyo kan degmada ay baaritaano ku wadaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in weli maamulka gobolka iyo degmada ay ku howlanyihin cidi sida ka dambeysay walxaha qarxa ee la dhigay meel u dhow Isbitaalka magaalada Garoowe,isagoo ugu baaqay dadweynaha ku nool magaalada Caasimada in ay ciidanka kala shaqeeyaan sugida nabadgalyada guud iyo ka hortaga falalka amaan darada.
Ciidanka Amaanka ee gobolka Nugaal iyo kuwa magaalada Garoowe ayaa waday howlgalo ay ku sugayeen nabadgalyada,iyadoo ay halkaas ka socdeen kulamo looga hadlaayay arimaha Amaanka.
Souce-Bnn
















Posted in 





