Aas Qaran oo maanta loo sameeyay:Marxuum Maxamed Xasan Mataan Magaalada Borama +Sawiro

Borama(Bnn-Idhanka)Maalmihii u danbeeyay, ayaa magaalada laga dareemayay, u diyaar garowga Aaska marxuum;Maxamed Xasan Mataan, galabta saacadu markii ay ahayd,2:30 ayaa  waxaa garoonka , aadam Isak Airport, soo caga dhigatay, diyaaradii waday Maydka Marxuumka, waxa kale oo la socday Marxuumka maydkiisa, qaar ka mid ah qaraabadiisa, oo ay ka mid tahay , ooridiisa, iyo laba carrura oo uu dhalay, laba wiil oo ay walaala ay yihiin Maxuumka.

Isla waqtigii ay diyaaradu soo caga dhigatayba, waxaa halkaas ku diyaar ahaa, boqolaal qof, oo uu ka mid ahaa , Madaxwaynaha dalka , Mudane Daahir Rayaale Kaahin, iyo Xubno wasiiro ah iyo saraakiil kale oo fara badan oo ka socotay dawlada.

Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay aaska Marxuumka, xisbiyada Mucaaradka qaar ka mid ah, salaadiin, cuqaal, indheer garad, iyo dadwayne aad u fara badan.

Marxuumka ayaa waxaa salaadii janaasada lagu tukaday Garoonka, waxaana ugu danbayn loo soo galbiyay, hoygiisii xaqiiqiga ahaa, taas oo halkaas lagu aasay.

Hadaan nahay bahwaynta shabakada wararkan ee Boramanews Iyo Bahwaynta Idhanka waxaan halkan tacsi aan la soo koobi Karin aan uga diraynaa, Marxuum, Maxamed Xasan mataan iyo qaraabadiisi iyo ehealdiisa oo dhan, in uu illaahay samir iyo iimaan ka siiyo.waxaan isna leenahay naxariistii jano illaahay ha ka waraabiyo.

 alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

alt

Source-Bnn

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes