Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

March 01, 2010 By: Idhanka Category: News

 Idhanka-London-Xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay, oo ay isugu yimaaddeen dad aad u tira badan oo rag iyo dumarba leh oo lagu soo dhaweynayey Ugaaska Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi oo ah Ugaaska Gadabuursiga, ayaa habeenkii xayay ka dhacday Hoteelka weyn ee la yidhaa Ramada oo ku yaalla badhtamaha Magaalada London.

Ugaaska oo dadka la hadlay ayaa ugu horreyn u duceeyey uguna baaqay ummadda Samarroon in ay u midoobaan danahooda, kana wada shaqeeyaan sidii ay nabad ugula noolaan lahaayeen ummadaha aan dan iyo dalba wadaagno. Waxa kale oo uu ku ammaanay sida ay u soo dhaweeyeen dadkii ku soo qaxay ee ay u marti geliyeen.

Kaddib waxa iyana madashaa ka hadlay rag iyo dumar dhammaanba halkaa ka jeediyey hadallo qiiro leh, oo lagu soo dhaweynayey Ugaaska.

Bal haddaba aan jalleecno taariikhda Ugaasyada Gadabuursiga oo aad u facweyn, kuna soo dhawaada maqaalkan oo laga soo maanguuriyey buug uu qoray Sh. Cabdiraxman Sh. Nuur Cabdillaahi.

Sooyaalka Taariikhda Ugaasyadii Beelaha Samaroon – Qaybtii Koowaad

Qarnigii tobnaad ee hijriyada qabiilka Gadabuursiga waxaa ku timid dhibaatooyin badan iyo dagaallo fara badan oo ay la galeen qoomiyadihii jaarka la ahaa, ha u waynaadeen dagaalladii ay la galeen qabiilka Gaallada (Oromada).Dagaalladaa waxaa ku dhintay dad fara badan waxana lagu waayey duunyo badan. Markay dhibtii ku badatay ayey Gadabuursigii is waydiiyeen sidii ay uga bixi lahaayeen dhibtan. Markii in badan la gorfeynayey arrimahaa ragaadiyey beelaha Gadabuursiga  waxaa la go’aansaday in la yeesho hoggaan. Waxaa talo lagu gaadhay in la sameysto nin Ugaas ah oo ay ummaddu ku soo hirato.

Kaddibna muddo dheer ayaa laga tashaday sidii loo dooran lahaa ninka laga dhigayo Ugaaska, waxana la g’aamiyey in ninka kaliya ee arrintaa wax ka qabanayaa uu yahay Cali Makaahiil Dheere. Sababta ay u doorteen baa ahayd Cali Makaahiil Dheere inuu leeyahay sifooyin badan oouu wax ku hoggaamin karo, sida aqoontiisa diineed, caqli badnaantiisa, sharafta uu dadka ku dhex leeyahay amma sumcaddiisa, hadal aqoontiisa, bashaashnimadiisa, waj-furnaantiisa, hal adaygiisa, iyo geesinimadiisa.

Markii la isla gartay in Ugaas amma Boqor la samaysto ayaa loo gudbay in la dhigo xeerkii Ugaaska lagu dooran lahaa, lagu dhaqi lahaa ummadda ee lagu kala bixi lahaa.

Qodobbadan soo socodaana waxay ka mid ahaayeen xeerarkii Gadabuusigu samaysteen:

1. Waxa ay raggii wakhatigaasi talinayey go’aamiyeen oo isla waafaqeen dhammaantood inuu ahaado Ugaaska Gadabuursiga noqdo Ugaas Cali. Sidaas ayuuna ku noqday Ugaaskii ugu horayay ee loo doortay madaxnimada. Waxa kale oo la guddoonsaday in Ugaaska loo sameeyo Boqol nin oo talada la wadaagta. Sidoo kale waxa la isla gartay in ay  Ugaasnimadu ahaato mid ku kooban reerka uu ka dhashay Ugaas Cali oo kaliya. Hadduu Ugaasku geeriyoodana in uu Ugaasnimada uu ka dhaxlo wiilkiisa ugu wayn, ayna u kala qaataan boqornimada siday u kala wayn yihiin, haddii wax murani ka yimaaddo marka caleen saarka waxa la soo dhex dhigayaa boqolka oday ee la taliya Ugaaska oo go’aan ka gaadhi jiray.

2. Waxa Ugaaska la talin jiray boqol oday oo Gadabuursiga laga soo dhex xulo. Boqolka oday waxaa laga sii dhex dooran jiray afar oday oo Ugaaska mar walba la jooga, waxaana lagu magacoodi jiray afartaa oday Afarta Dhadhaar.

3. Xukunka ama maamulku waxa uu ahaa mid laga wada tashado oo (Shuuro) ah. Marka arrini timaaddo Ugaaska iyo boqolka oday ayaa fadhiisan jiray si ay u xeeraan arrinka markaa jira, haddii ay arrintu noqoto mid aan weli hore loo arag waxa ay odhan jireen arrinku  waa Ugub. Haddii arrintu noqoto mid hore loo soo arkay oo xeer  ka yaalana waxa ay odhan jireen arrintu waa Curad. Wixii ugub ah xeer cusub bay ka soo saari jireen. Amuur hore loo arkay haddii  arrinku yahayna waxaa la raacayaa xeerkii ka jiray.

4. Marka ay timaaddo in la caleemo saaro Ugaaska marka hore waa in  boqolka oday ansixiyaan, ka dib waxaa la iskugu yeedhaa ragga madaxda ka ah beelaha Gadabuursi oo ka kala yimaada jilib kasta oo Gadabuursi ah, si loo muujiyo in loo dhan yahay  caleemo saarka marka taagan.

5. Maalinta la caleemo saarayo Ugaaska oo ahayd xafladda ugu wayn waxaa loo agaasimi jiray sida, waxaa Ugaaska la gayn jiray ceelka la yidhaahdo BAGI. Marka lagu sii wado Ugaaska ceelkaas waxa uu sii fuulaa faras cad, waxaana sii galbin jiray Ugaasku isagoo dhexda ugu jiro 50 farda fuul oo dhallinyara ah oo fardahoogii wata lagana soo xulay inta jilib ee uu ka kooban yahay Gadabuusigu. Dhalinyaradaasi waxay ku labbisan jireen laba go’ oo cad cad  iyo waran gaashaan.  Ceelkaa waxaa ku samaysan dhegax cad oo wayn. Dhagaxaa ayuu Ugaasku ku dul fadhiistaa oo uu ku maydhan jiray. Marka uu maydho waxaa Ugaasku ku labisan jiray laba go’ oo cadcad oo cusub.

Marka Ugaaska laga soo celiyo ceelka waxaa la keeni jiray guri si fiican loo daleeyay oo la dhisay intuu ku maqnaa ceelka Bagi. Waxaa meesha ku sugi jiray Gadabuusi aad u fara badan. Ugaasku waxa uu fadhiistaa ardaaga gurigaa. Seddex gabdhood ayaa soo hor dhigi jiray seddex gorof oo ay ku kala jiraan caano lo’aad, caano geel, iyo caano adhi. Ugaasku isagoon garanayn caanaha ku kala jira gorofyadaa ayuu mid inta uu qaado ayuu kabadaa, Gadabuursi goobta joogay ayaa hugun iyo mashxarad isku dari jiray. Waxay ay rumaysnaayeen caanaha uu hor kabaday Ugaasku in ay xoolahoogu noqon doonaan ku tarma.

Laga bilaabo saacaddaa waxaa guriga agagaarkiisa lagu qaban  jiray wax lagu magaacabo Tumasho oo iskugu jira cayaaro, fardo ku ciyaar, waxay na socon jirtay cayaartaa iyo dabaal daggaasi muddo toddoba cisho ah.

6. Waxaa kale oo xeer ahayd in qabiilooyinka aan jaarka nahay ee innagu meersan in  lagu la dhaqmo nabad, lagu na dadaalo nabadayn  haddii uu khilaaf yimaado oon dagaal lagu dagdagin.

7. Xukunka xagga diyada in la raaco sida Shareecada Isaamku dhigayso.

8. Umuuraha guurka,furiinka, iyo dhaxalka in la raaco sida ay tidhi Shareecadu dhigaysaa.

9. Waxaa kale oo xeer ahayd (Gadabuursi waa beel ee ma ah bah) taasi waxay sheegaysaa in Gadabuursigu siman yahay oo laga fogaado qabyaaladda Gadbuursiga dhexdiisa. Waxaa ka marag kacaya xeerka marka Gadabuusigu uu ciyaarayo ciyartiisii GUCUSTA labada kooxood ee wada ciyaaraya waxay la kala bixi jireen magacyo ka fog qabiil. Magacyada ay la bixi jireen waxaa kala ahaayeen Agoon iyo Abooleh, Dacar joog iyo Dhagax joog, Cankaable iyo Quude, Doob iyo Goobaale.

10. Waxaa jiray lix Oday oo Xeerbeegti ah, oo xeerka Gadabuursiga aad u yaqaanna hayayna xeerarka marka la dajiyo. Wixii xeer ah ee la isku qabto ama lagu murmo lixdaa oday ayaa loo geyn jiray arrinka taagan. Waxay sheegi jireen wixii xeer ah ee ka yaalla dhacdadaa iyada ah. Raggaasi waxay aad ugu dadaali jireen xagga Deedifada ama (Difaaca).

Source Awdalpress.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole