XUSUUS: 30 Kii January 1984 Dukheyntii Borama
Waxay aheyd subax isniineed 30kii january 1984 .Xilligu waa jiilaal, dhulka oogadiisa oo dhan waxaa ku shaqlanaa dhedo iyo ciiro ay soo jiiteen buuraha dhaadheer ee magaalada ku xeeran .
Dadku nabad ayey ku waabariisteen
intooda badanina waxay ku foofeen hawl maalmoodkoodii, ganacsatadu waxay fureen iridihii meheradahooda, dadkuna waxay bilaabeen wax kala iibsi .Waxay aheyd goor ay bulshadii miyigu iyagoo wada waxyaabihii noloshooda iyo magaaladaba lagama maarmaanka u ahaa sida: Subagga, caanaha, qoryaha (xaabada), dhuxusha iyo xoolahaba ay ku soo beegnaayeen badhtamaha suuqa Waxay aheyd wakhti intii safreysay iyo intii sagootineysayba ay is lahaayeen tusan iyo macasalaama. Wakhtigaas ardeyda iyo macalimiintuba waxay ku hawlanayeen dhigita iyo dhageysiga casharada dugsiga.
Cidina ma fileen wax dareen colaadeed oo ku soo fool leh. Hase yeeshee waqti ay saacadu aheyd tobankii subaxnimo ayaa dadka qaarkii ay maqleen guux ,dareen weyn baa galay dadka ,hase yeeshee samada waxba lagama arkeyn oo dhedo iyo ciiro ayaa weli ku shaqlaneyd buuraha figtooda. Guuxii waa uu soo dhawaaday dadkii oo dhamina sakati iyo werwer ayey dhagaha la taageen, cidise ma haleelin dhaqaaq ka badan dhowr talaabo. waxa markaliya isha lagu dhuftay oo soo kulay dadkii raxan diyaaradaha dagaalka oo ka soo dhex baxay ceeryaantii kuwasoo soo laalaadiyey gantaalihii iyo bombooyinkii ay xambaarsanayeen. Magaaladii oo dhan waxa qariyey siigo, olol onkod iyo dayaan is wata oo dadkii oo dhan ku riday argagax naf iyo noloba ka quusiyey.
Isla maalintaa isniineed saacaddu markay aheyd 2:15 (labadii iyo rubuc )ayaa Radio muqdisho warkiisii dhurnimo lagu sheegay in dayuuradaha dagaalka ee maamulkii Mingistu ee Ethiopia ay weerar ku soo qaadeen degmada Borama iyo tuulada Goraya Cawl oo ka tirsan degaanka gobolka Awdal . Weerarkaas bahalnimada waxa geystay lix dayuuradood oo ah ku dagaalka oo noocoodu ahaa miig 21 iyo miig 23. Isugeyntii dadkii ku dhintay weerarkaas waxa ay gaadheen 70 qof oo 37 ka mid ah ay ahaayeen ardeydii dugsiyada hoose ee degmada Borama.. kuawsoo da,adoodu udhaxeysay 6-14 jir iyo afar macallin oo shaqo qaran ahaa. Waxa kaloo ku dhaawacmay 110 kale oo iskugu jira arday iyo shacbiga ba.,iyadoo isla markaana ay burburiyeen 70 guri iyo afar dugsi oo hoose /dhexe iyo xaruuntii xanaanada caruurta (MCH)
Intayadii warkaas dhageysatay ee xamar ku nooleyd waxan la istaagnay naxdin iyo argagax iyadoo qofwalba oo reer Awdal ahi ka fakarayey sidii war intaas ka faahfaasan loo heli lahaa . Waxan dabadeed tagnay boostii Xamar ee Telefoonada halkasoo reer Awdal ay saf ugu jireen . waxa noo suura gashay in ogaano in adeerkay oo aan guri wada daganeyn oo la yiraahdo Maxamed Cabdilaahi mixile nasiib daro ay walaashii oo sadexani ku jirtay dadka ku geeriyooday weerarka . waxay ilmaheeda ka soo kaxeysay xarunta xanaada caruurta midna dhabarka ayey ku siday markii weerarku haleelay , halkaas ayaa saddexdoodiiba ay ku dhinteen(alaa yarxama).waxan usoo baxnay Arbacadii socdaal aniga iyo mixile iyadoo dayaaradan ay saarnaayeen dad reer Awdal oo sidoo kale qoyskoodii geeridu ku dhacday. waxan nimid Hargeysa oo aan markiiba dhaafnay si aan tacsida ugaarno .Dhamaan baabuurta Hargeysa ka baxeysay waxay sideen dad gurmad oo ka kala yimid gobolada dalka .
Dadka magaalada waxa ka muuqatay jawi geeri, argagax iyo naxdin ,inteeda badanna waxa magaalada qariyey teendheeyooyin laga dhisay guryaha hortooda oo lagu qabanayey tacsida.waxa se la isku gubabinayey in samir iyo dulqaadka lagu dadaalo.Sarkaal ka tirsan bangiga degmada boorama ayaa ii sheegay in weli uu naxsan yahay waxa uu yidhi “waxa ku jiray bangiga mar qudha ayaa albaabadii iyo daaqadihii ay soo dhaceen gantaal nagu dhacayna ma jirin”.
Waxa magaalada yimid wufuud badan oo ka tirsanaa xukuumadda iyo ku shisheeha oo ka kala socday safaaradaha Masar, Mareykanka , Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo kiiniya kuwasoo tagay oo booqday xabaal wadereedii (mass grave) lagu aasay dadka. iyagoo weliba ubax dhigay taalo loo qoondeeyey in lagu xasuustoo xasuuqaasi bahalnimada ah . waxa kaloo yimid weriyaal isku jira soomali iyo ajnabi ah . Gabadh ka tirsaneyd wariyaasha oo ka socotay tvga magaalada Henlay oo ay Borama mataano yihiin ayaa ii sheegtay “inay ilmeysay markii ay cusbitaalka boorama ku booqatay dhawacii oo ku jirtay gabadh yar oo sideed jir ah oo ku indho beeshay weerarkaas”.
Gudoomiyaha golaha degaanka degmada Borama Sh Cabdillaahi Sh. Cali Jowhar ayaa ii sheegay”in weerarkan lala beegsaday dad caruur iyo maato ah oo aan waxba geysan (soft target) ka soo ka baxsan aadaminimada, waxanu urajeeyey in samir iy iimaan ka siiyo dadka reer Borama intii dhimateyna ilaahay unaxariisto “
Magacda ubaxii ama shuhaddadii ku nafwaayey xasuuqii foosha xumaa ee xabashida.
| N° | Magac (Names) | Da’ (age) | Fasal (Grade) |
| 1 | Ilyaas Ibraahim Maydhane | 12 | 4 |
| 2 | Ismaaciil Muuse Tubeec | 13 | 4 |
| 3 | Abadir X/ibrahim Xaaji | 11 | 4 |
| 4 | Axmed Idiris Ibraahim | 12 | 4 |
| 5 | Axmed Ibraahim X/ bookh | 12 | 4 |
| 6 | Ubax Cumar Maydhane | 10 | 3 |
| 7 | Anisa daahir Caateeye | 10 | 3 |
| 8 | Maxamuud Maxamed Daahir | 10 | 3 |
| 9 | Yaassiin Daahir Ibraahim | 10 | 3 |
| 10 | Abdi Hassan Cali | 9 | 3 |
| 11 | Abdi Ahmed Yuusuf | 10 | 4 |
| 12 | Husseen Maxamed Nuur | 12 | 3 |
| 13 | Sacaada Cabdulle Faarah | 10 | 3 |
| 14 | Maxamed Xasan Faarah | 9 | 3 |
| 15 | Nimca Maxamed Xirsi | 10 | 3 |
| 16 | Rashiid Huseen Cige | 10 | 3 |
| 17 | Cabdi Ismaaciil Xasan | 11 | 3 |
| 18 | Maxamed Aw/ Aadan Cabdi | 8 | 2 |
| 19 | Khadra Maxamed Xirsi | 9 | 2 |
| 20 | Maxamed Idiris Miicaad | 8 | 2 |
| 21 | A/risaaq SH/maxamed | 10 | 2 |
| 22 | Sahra Aaden | 6 | 1 |
| 23 | Faadumo orod ku dharag | 6 | 1 |
| 24 | Fa’isa H/Ibraahim Muusae | 12 | 4 |
| 25 | Ruqiya Maydhane Muxumed | 10 | 2 |
| 26 | Hibo Axmed Ali yey | 11 | 4 |
| 27 | Maxamed Xasan Xandulle | 13 | 4 |
| 28 | Hinda Axmed Cilmi | 10 | 3 |
| 29 | Hibo Barkhad Qayaad | 9 | 3 |
| 30 | Qayaad Barkhad Qayaad | 11 | 4 |
| 31 | Deeqa Yuusuf Cige | 10 | 3 |
| 32 | mustafe Cilmi Weyrax | 9 | 2 |
| 33 | C/laahi Nuur Cumar | 14 | 8 |
| 34 | Axmed Cabdi Barre | 11 | 3 |
| 35 | Kaltuun Abubakar Sheekh | 10 | 4 |
| 36 | Warla Cilmi Subagle | 9 | 3 |
| 37 | Sucaad Cali Obsiiye | 14 | 7 |
Odhaahda qoraha:
waxan qoraalkan sameeyey 24 sanadood markaa uu weerrarkani dhacay waxana uu hordhac u ahaa buug aan qoray markii aan ka noqday gurmadkaas oo magaciisa la yiraahdo Awdal 1884 soona baxay 1986. kasoo aan si qoto dheer ugu lafo guray Awdal iyo qarnigii 19aad oo kasoo bilaabmay 1884 markii shisheeyuhu ay arimaha dhulkeena ay faraha la soo galeen . Wakhtigaas odayaasha Gadabuursi waxa ay ingiriiska la seexiideen Heshiis (Anglo-Gada Treaty of 1884) inkastoo ingiriisku aanu fulin oo uu khayaameeyey , dhulkoodiina uu bixiyey. waxa dhacdadani ay xidheysaa hal qarni oo ku beegan (1884-1984) oo cadawgu baabiiyey dawladnimadii Awdal iyo magaalo madaxdii xukuumadii Awdal (Seylac) oo soo jirtay qarniyaal badan.
Waxan mar hore idiin soo bandhigay qoraalo dhowr ah oo ku saabsan taariikhda Awdal ee qarnigii 19aad oo kusoo baxay Warsanmag.com.iyo Somalilandeye kuwasoo qeyb ka ah buugaas taariikhda ah ee Awdal 1884.
waxan mahad ucelinayaa tifatiraha Borama News oo sanadkii hore isku hawlay inuu xasuuqaas 30kii january soo bandhigo iyo Dhalinyarada kale ee Mukhtar brothers oo inoo soo bandhigay sawirada caruurtii ku geeriyootay weerarkaas.
Mohamed Dirane
mohameddrn@yahoo.ca


















