Laascaanood (Idhanka)- Qarax xalay ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sababay dhimashada qof la sheegay in uu yahay qofkii dhigayay walaxda qaraxday.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo Wefti uu ka mid yahay oo Wasiiro ahi ay ku sugan yihiin Laascaanood, ayaa sheegay in Ciidamadu goobtaas xidheen markii qaraxu dhacay oo ahayd xalay fiidkii, isla markaana ay u diideen dadka inay ka ag-dhawaadaan.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay heleen caddayn muujinaysa in qofka ku dhintay Qaraxani uu yahay kii goobtaas dhigayay walaxda qaraxday. Waxaanu xusay in ay heleen caddaymo ka marag-furaya arrintaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin Telefoon kuwa gacanta lagu qaato ah oo dhinacna ka ah aaladda meesha fog lagaga hago qaraxyada.
Cabdilaahi-Cirro wuxuu ballan-qaaday in ay Xukuumad ahaan sida ugu dhaqsaha badan arrintaas uga hawl-galayaan oo ay u horkeenayaan caddaaladda cidii lagu tuhmo.
Dhawaanahan waxa isa-soo tarayay qaraxyada qorshaysan ee ka dhacayay Magaalada Laascaanood, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah lagu laayay ama lagu dhaawacay Masuuliyiin ka tirsan Ciidamada Somaliland iyo Xukuumaddaba. Hase ahaatee, qaraxan xalay ayaa ku soo beegmay waqti toddobaadkii u dambeeyay Magaalada Laascaanood ay ka go’nayd Isgaadhsiinta Telefoonada Gacanta lagu qaato (Mobiles) iyo aaladda Internet-ku.
Source Somaliland.Org
















Posted in 





