Waa Maxay Mawqifka Suudaan ee Somaliland?.Wasiirka Arrr. Dibada Suudaan oo ka Jawaabaya

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Sudan Mudane Deng Alor ayaa sheegay haddii xal loo waayo dhibaatooyinka iyo colaadaha ka taagan Somaliya ay taasi keenayso in bulshada caalamku si rasmi ah ugu jeedsato Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Wasiir Deng, oo shalay xarunta Midowga Afrika ugu waramay saxafiyiin reer Somaliland ah oo shirkaas ka qayb galaya, oo uu ka mid yahay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay in aqoonsiga qaddiyadda Somaliland ku xidhanyahay go’aan ay wada qaataan Somaliland iyo Somaliya, waxase uu sheegay in Somaliland ay bulshada caalamku kula shaqayso aqoonsi la’aan, isagoo sheegay inay taasi ku mutaysteen ammaanka iyo nabadgelyada dalkaas ka taagan.

“Jiilal badan ayaynu ku weynay Somaliya, waana masuuliyadda hoggaamiyayaasha Afrika inay talaabo adag ka qaadaan sidii Somaliya loogu soo celin lahaa kala dambayntii.” ayuu yidhi Wasiirku, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyay, “Meel kasta oo qaaradda ah waxa ka jira walaac Somaliya ah, tallaabadii laga qaadi lahaana wada hadal ayaa ka socda. Markaas walbahaarka Somaliya ee meel kasta laga ogyahay werwerkiisu saamayn weyn ayuu ku leeyahay haddii ay tahay Hargeysa, Muqdisho iyo meel kasta. Hargeysa [Somaliland] had iyo jeer waa nabadgeliyo, waxa ka jirta Somaliland xasilooni iyo ammaan rajo gelinaya dadka, laakiin sidaas oo kale waa laga hirgelin karaa Muqdishana.”

alt

Tafatiraha Geeska iyo Wasiirka Arr. Dibada Sudan

Mar la weydiiyay in Somaliland ay fure u noqon karto dhibaatada Somaliya ka taagan, waxa uu yidhi, “Haa, run ahaantii waxa ka dhacaya Somaliland way kaga dayan karaan Somaliya, xaqiqdiina taasi waa ta rajada gelisay dadka, sababtoo ah haddi ay taasi Somaliland ka jirto, maxay Somaliyana uga hirgeli weyday.”
Mar la weydiiyay sababta ay Afrika uga dhego adaygayso qaddiyadda aqoonsiga Somaliland oo ah dal labaatanki sannadood ee u dambeeyay u halgamayay ictiraaf uu ka helo bulshada caalamka, waxa uu yidhi, “Horta Afrika iyo Midowga Afrikaba waxa wax lagu maamulaa qawaaniinta ururka u yaala, dadkuna way qabaan dareenka Somaliland, aakhirkana waxay noqon doontaa in la eego Somaliland. Dadka reer Somaliland waxay la soo dagaalamayeen aqoonsi siyasadeed la’aan, laakiin waxa sidaas kula shaqaynayay gobalka, Afrika iyo beesha caalamka, islamarkaana sumcad wanaagsan ayay gobalka ku dhex yeesheen. Balse aqoonsigu wuxuu muhiim ku yahay inay dadku kula shaqeeyaan. Arrinta aqoonsiga Somaliland cidina ma doonayso inay ka hadasho Somaliya oo kala qaybsan, balse taasi waxay ku xidhantahay uun go’aan Somaliya iyo Somaliland ka wada gaadhaan arrintaas, waana markaas marka cid kastaanba aqoonsanayso Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Sudan, oo la weydiiyay mudada uu filayo inuu aqoonsiga Somaliland baadi goobkiisu qaadan karo, waxa uu yidhi, “Sidaan hore u sheegay aqoonsiga siyaasadeed waa taageero, laakin aqoonsiga aan rasmiga ahayni waa sida ay Somaliland kula shaqayso dalalka gobalka iyo beesha caaalamka, waana aqoonsi aan rasmi ahayn oo muujinaya in bulshadan [Somaliland] ay dhab ka tahay qaddiyadoodu, islamarkaana ay tahay in la cawiyo. Ma sheegi karno mudada ay qaadanayso, laakiin waxay ku xidhantahay uun hadba siday noqoto xaaladda Somaliya, sababtoo ah xataa xaaladaha Somaliya saamayn bay ku leeyihin Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Sudan, waxa kale oo uu fikir xaqiqo ahayn ku tilmaamayn hadal uu Qadaafi, Madaxweynaha Liibiya ka sheegay shirjaraa’id oo uu qabtay, kaas oo ahaa in haddii ay xiitaa dadka koonfurta Sudan u codeeyaan inay ka go’aan Sudan, uu xataa dagaal dhex mari doono dadka koonfurta Sudan. “Maya, wax jira maaha.” ayuu yidhi Wasiirku.

Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa 


Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes