Taliyaha Ciidanka Qaranka Iyo Wasiir Ku xigeenka Gaashandhiga Ee Xuska Sanadguurada 16aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka

ciidanka-small Hargeysa (Idhanka) - Xuska sanad guurada 16aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo maanta lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka ayna ka soo qayb galeen wasiiro, wasiir ku xigeeno, wakiilka Dalka Ethiopia ee Somaliland iyo marti sharaf kala duwan ayaa waxa ka hadlay taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga Axmed Maxamed Filanwaa. Taliyaha ciidanka qaranka oo isagu hadalka furay ayaa ka waramay unkidii ciidanka qaranka, qaabkii lagu bilaabay, heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray…. 

iyo xaalada imika, waxa kale oo uu Taliyuhu u mahadnaqay, taliyayaashii ka horeeyay, Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale oo uu sheegay in iyaguna ay ahmiyad wayn siiyeen taaba galka ciidanka, taliyuhu waxa kale oo uu ka waramay meelaha taageerada ciidanku ka helo, guulihii ay gaadheen iyo sida nidaamkoodu yahay. Wasiirku xigeenka Gaashandhiga Mr. Filanwaa ayaa isna hambalyeeyay dhamaan ka soo qayb galayaasha isagoo ku hadlaya magaca Wasiirka Gaashandhiga, hoos ka dhegayso, hadaladii Wasiir ku xigeenka iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka.

ciidanka-1

ciidanka-2

ciidanka-3

Source-Harowa

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes