Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Shirkadda Isgaarsiinta Telesom oo keentay Mobile ku shaqeynaya Qoraxda

February 18, 2010 By: Idhanka Category: News

Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta ku dhawaaqday inay dalka keentay Mobile casirya oo ku shaqaynaya tamarta qoraxda [cadceedda] shirkaddu sidaa waxay ku sheegtay shirjaraa’id oo ay maanta saraakiisha shirkadda u qaabilsan suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha iyo Engeneero kalaba – ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa.

Shirkaasi jaraa’id waxay masuuliyiinta shirkaddu kusoo bandhigeen qaab kusucub isgaadhsiinta [Mobile-] dalka kaasoo la odhan karo waa nooc kamida mucjisooyinka shirkadda Telesom kaga horeyso dhamaan isgaadhsiinta dalka Somaliland ka hana qaadday tan  iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 2000.

Shirkaasi shirkaa’id waxaa ka soo qaybgalay Maxamed Isaaq Cilimi madaxa xiidhka dadweynaha iyo suuq-geynta,Eng,faarax Sugaal oo ah madaxa Supply Towers-ka shirkadda,Eng Muuse oo ah madaxa Operation-nada shaqada shirkadda, Cali Maxamed Saalax oo ah madixiihore ee Xidhiidhka dadweynaha hadana ah  ku xigeenka isla jagadaasi iyo Mustafe Aadam Muuse oo katirsan Saraakiisha isla xafiiskaasi.
Ugu horeyn waxaa shikaa furitaankiisii ka hadlay ku xigeenka madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo suuq-geynta Cali Maxamed Saalax [cali cajab] waxaanu yidhi “maanta waxaanu halkan kusoo bandhigidoonaa Mobile-casrtiya oo ku shaqaynaya tamarta qoraxda”

 
Cali Cajab oo xidhiidhinayey  barnaamijkaasi waxa uu hadalka kusoo dhaweeyey Gudoomiye Maxamed Isaaq Cilmi, waxaanu ka waramay taariikhda shirkadda Telesom iyo waxay ku talaabsatay xiliyadii lasoo dhaafay.

Waxaa kale oo uu ka waramay sababta keentay inay dalka keenaan Mobile-kan casriga ah ee ku shaqaynaya tamarta qoraxda kaasi oo aan horey dalka loo keenin noociisa, waxdaanu sababta ay dalka u keeneen  ku sheegay inay Shirkaddu tahay tii ugu horeysay ee dalka oo dhan wada gaadhsiisa ageedeeda xagga isgaadhsiinta ah,magaalo iyo miyiba.

Basle waxa uu caranka ku dhuftay inay dadka Somalida ahi yihiin 80% dad xoolo dhaqato ah kuwaasoo ku nool goobaha ka durugsan adeegga xagga laydhka ee loo isticmaalo Daybnta Mobile-lada ay dadka reer miyiga ahi qaataan,sidaa darteedna ay daraasaad ku sameeyeen kahor intii aanay keenin dalka Mobile-kaasi baahiyaha ay dadka reer guuraaga ahi u qabaan inay helaan Mobile noocan oo kale ah [ku shaqeeya tamarta qoraxda]

“waxaanu adeeggayaga [telefoonada]gaadhsiinay dalka oo dhan miyi iyo magaalaba markaa waxaanu qiimaynay cabashada dadka reer guuraaga ah ee isticmaala adeegga shirkadda Telesom, kadibna waxaanu daraasad ku samaynay baahida taalla meelaha ka baxsan magaalooyinka ee ay dadka xoolo dhaqatada ah ee Telesom isticmaalaa u qabaan inay helaan wixii ay ku dabaysan lahaayeen Mobilladooda”

 Mr Isaaq waxa uu sheegay inay dadka reer guuraaga ahi yihiin kuwa ay inta badan nolosha dadka Somalida ahi gaar ahaan reer Somaliland ku tiirsan yihiin taasina ay tahay midda keentay inay shirkaddu ilaa xadkaasi tixgaliyaan amse ay qiimeeyaan cabashada dooda “nolosha dadka Somaliland waxay ku tiirsantahay kuwo miyiga jooga ee xoolo dhaqatada ah” ayuu yidhi Mr Isaag.

Maxamed Isaaq Cilmi waxa uu sharaxaad ka bixiyey qiimaha ay dadku ku iibsan karaan Mobile-kaasi casriga ahi  inuu noqondoono mid ay dadku wada awoodi doonaan taasoo ah lacagta Maraykanka 30$ oo kaliya.

Mr Isaaq waxa uu sheegay inuu lacag badan ku joogo shirkadda Telesom Mobile-kaasi balse ay waxbadanfaa’iido ahaan uga tanaasuleen baahiyaha duruufeed ee bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa reer guuraaga ah ee xoolo dhaqatada ah,

madxa suuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Telesom waxa uu sheegay waxyaabaha  ay markii ugu horeysay ku ogaadeen cabashada xagga baahida dabaynta ee ay dadka reer guuraaga ahi u qabaan inay helaan Mobile-noocan oo kale ah inay ka ogaadeen goobaha adeegga  suuqyada magaalada ee ay ka baxaan gaadiidka u kala goosha gaalada Hargeysa iyo tuulooyinka dadka ku nooli aanay awoodin inay helaan Laydka [korontada]

 Maxamed Isaaq Cilimi waxa uu intaa kudaray mar uu  ka waramayey qaabka loo isticmaalayaa inuu noqo doono sidan soo socota :waxaa uu qofka isticmaalayaa adeegga Mobile kaasi dhigayaa meel cadceed ah oo ay qoraxdu ka qabanayso Mobilka dabadeednaa saacadoyar kadiba waxa uu qaadanayaa isaga oo u dabaysmay Mobile kiisii.

 Isaga oo sharaxay waxa uu noqondoono halku dhagga Mobile-kan cusub ee ay shirkadda Telesom ugu talo gashay inay macaamiisheedu kaga baahi baxaan kharashaadka faraha badan ee kaga baxaya laydhka ay u adeegsanayaan dabaynta Mobilladooda “REER MIYIYO MOBILE-KAAGA TAMARTA QORAXDA KAGA  MAARAN DABAYNTA KORANTADA”

Maxamed Isaaq Cilmi waxa uu sheegay inaanay ahayn markii ugu horesay ee ay shirkadda Telesom dalka keentay adeegg u gaara iyada oo aanay lawadaagin shirkadaha kale ee dalka Somaliland balse ay horey dalka u keeneen barnaamijkii Village Phone,Somgas iyo kan Mobile-ka casriga ah ee ku shaqaynaya tamarta Qoraxda [cadceedda]

Intaa kadib waxaa isna halkaa ka hadlay Eng:Faarax Sugaal oo kamida saraakiisha sarsare ee shirkadda Telesom waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyey ilaa iyo hadda goobaha ay dadka ka baxsan magaalada Hargeysa ka helikaraan Mobile-kani casriga ah ee ku shaqaynaya qoraxda.

Waxaanu sheegay inay dadweynaha reer Somaliland dhamaan adeegga Moible-kaasi  ka helidoonaan gobalada dalka oo dhan ilaa iyo Tuulooyinka aadka uga durugsan magaalooyinka waaweyn lagasoo bilaabo Saylac ilaa iyo Tukaraq,Buuhoodle ilaa Tuulooyinka Hawdka bari iyo Galbeedkaba.

Gaba gabadii shirkaasijaraa’id shirkadda Telesom waxay bahda warbaahinta qaybaheeda kala duwan ee maanta shirgaasi jaraa’id kasoo xaadiray u qaybiyeen inkabadan 25 kamida Mobile-ladaasi ku shaqaynaya tamarta qoraxda.

Waxaana la filayaa inay dadweynaha reer Somaliland ku diirsan doonaan adeegga hufan ee Mobile-kan  sida sahlan luugu dabaysan karayo tamarta qorax dhibaatada badanku haysa daka reer Somaliland.

 balse waxay dadweynuhu  kulaylka qoraxdaasi ku ilaawi doonaan markay Mobilladooda  ku dabaystaan iyaga oo miyiga xooloahooda ku raacanaya ku wa magaaladana hadalkoodaba iskaba daa cajjiib? Telesom waxwalba dalkan way keeni.

Shirkadan Telesom ayaa waxay tahay Shirkada kaliya ee hanaan Isgaarsiineed oo la taaban karo Keentay Somaliland sida Internet, iyo adeegyo kale oo Casri ah.

Horaantii Bishii hore ayay ahayd markii shirkadani la Gudoonsiiyay abaalmarin ahayd in ay tahay shirkada kaliya ee ugu Fiicanayd Qancinta macaamiisheeda  marka la eego Qiimayn lagu sameeyay shirkadahaa isgaarsiinta ee caalamka.

Isku soo Duuboo Telesom ayaa waxay Hiigsanaysaa in ay Noqoto shirkada kaaliya ee adeega isgaarsiineed oo dhinacyo badan taabanaya Keentay afrika sida adeega lacagaha lagu dirsado ee zaad.

SOURCE-BNN

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole