Khamiis 17, Feb, 2010 (Idhanka) Seddex ruux ayaa habeenkii xalay ahaa siyaabo kala duwan waxaa loogu toogtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,iyadoo dilkaasina ay fuliyeen dabley hubaysan oo aan ilaa iyo hada la garan.
Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa sarkaal u shaqaynayay wasaarada Maaliyadda ee DGPL ,waxaana lala toogtay Wiil dhalinyaro ah oo la socoday xilligaasi ,iyago oo jooga meel ku dhow dekadda magaalada Boosaaso.
Ciidanka ammaanka ee degmada Boosaaso ayaa gaaray goobaha ay dilalku ka dhaceen,waxaana saakay aroortii ay mid mid u baarayeen guryaha qaar ee ku yaalla magaalada.
Ilaa iyo hada gacanta laguma soo dhigin kooxihii fuliyay dilkaasi,waxaana masuulyiin ka tirsan Puntland ay ka gaabsadeen in ay ka warbixiyaaan dilalka xalay dhacay.
Labo habeen ka hor ayey ahayd markii magaalada Boosaaso si bareer ah loogu toogtay labo ruux oo mid ka mid ah uu u shaqaynayay ciidamada sirdoonka Puntland ee PISta.
Magaalada Boosaaso ayaa hadda laga dareemayaa cabsi dheeraad ah oo ku aadan dilalka soo kordhay ,inkastoo howlo ammaan sugid ah ay wadaan ciidanka degmada ,kaasi oo ku aadan in gacanta lagu soo dhigay dadkii dilalkaasi fuliyay.
Source-Hol
















Posted in 





