Sanaag: Ciidamda Ilaalada Xeebaha oo Badbaadiyey 52 Tahriibayaal ka mid ahaa 135 Doon Wada Saarna
Laasqoray(idhanka)- Ciidamda Ilaalada Xeebaha Somaliland ee Gobolka Sanaag iyo Badhan ayaa u gurmaday Doon ay saarnayeeen Tahriibayaaal Tiradoodu gaadhayso 130 Qof.
Sida wararku xaqiijinayaan Ciidamada Somaliland ee Ilaalada Xeebaha waxay ku guulaystayn inay badbaadiyaan ku dhawaad 53 Qof oo saarna doonta halka intii kalana la waayey Raq iyo Ruux meel ay jaan iyo cidhib dhigayn.
Taliye Kuxigeenka ilaalada Xeebaha ee Barta Laasqoray Maxamuud Siciid Nuux oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay in dadkaas ay Doonto kula caariday Degmada Laasa-Surad ee Gobolka Sanaag halkaas oo lagu daryeelayo 52 la badbaadiyey iyadoo hal qof oo kale ku dhintay deegaankaas oo lagu aasay.
Ilaa Hadaaya lama oga halka ay ku dambeyeen ku dhawaad 82 Qof oo kale oo saarnaa doonta.
Source-Bnn



















