Qoysaskii ku harsanaa Magaalada Muqdisho oo maanta bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda sababo la xiriira cabsi dagaal
Sabti 6, Feb, 2010 (Idhanka) Qoysaskii daganaa Magaalada Muqdisho ee aan weli magaalada ka barakicin ayaa bilaabay maanta inay isaga qaxaan guryahooda, iyagoo baqdin ka qaba dagaallo laga cabsi qabo inay dhexamaraan Dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda.
Degmooyinka laga barakacayo ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaan, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan xoogagga Dowladda kasoo horjeeda.
“Xaafadaheenna oo dhan waa laga qaxay innaguna maanta ayaan ka barakacaynaa waayo waxaa jirta cabsi weyn oo dagaal, sidoo kale madaafiic ayaa lagu garaacay degmada todobaadkii hore” ayuu yiri Axmed Cali oo ka mid ahaa dadkii ku noolaa xaafadda Cali-turcaaye ee degmada Huriwaa.
Gaadiid ay qoysaskaan ka barakacayeen ayaa lagu arkayay degmadaas, kuwaasoo ay saaran yihiin agab iyo caruur, waxaana dadka qaarkood ay u qaxeen Gobolka Shabeellada dhexe, halka kuwo kalena ay u barakaceen duleedyada Muqdisho.
Qaraxan ayaa kusoo beegmay iyadoo ciidamo kala taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab lagu arkayo deegaanada ay gacanta ku kala hayaan, iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen hadallo ay dhinacyadan isku weydaarsanayaan warbaahinta, kuwaasi oo dagaallo dib u curta laga dheehan karay.
Source-hol



















