Qalab Culus Oo Dhinaca Biyaha Iyo Wershedeynta Ah 0o La Keenay Borama Iyo Dhibaatada Qalabkaasi Kula soo Kulmay Jidka U Dhexeeya Boorama Iyo Dila
.
Qalabkan oo ah kii ugu horreeyey ee qurbajoogga ah reer Awdal kasoo dejiyaan dalka ama gobolka Awdala ayaa waxa leh ganacsadaha reer Boorama ah oo ku nool dalka Canada lana yidhaa Maxamed Jaamac Aye (Uurdoox) iyadoo sida la sheegeyo qalabkaasi isugu jiro wershedo yaryar oo aan la sheegin waxay farsamayn doonaan, wiish, cagafyo iyo riigga Biyaha soo saara oo sida la sheegay qodi kara ilaa 400 oo nitir dhulka hoostiisa.
Dhinaca kale gaadiidka siday qalabkan oo aan darawaliintiisa wax ka weydiiyey siday kusoo mareen jidka burbursan ee u dhexeeya Boorama iyo dila ayaa ii sheegay inay 20 saacadood usoo kala socdeeen Boorama iyo Berbera, isla markaana ay dhibaato ka muteen godadka rafka ah, jeexjeexyada iyo dhagaxa taagtaagan oo gaadiidkaasi iyo qalabkaasi rafaad kusoo mareen.
Sidoo kale ayaa qaar ka mid darawaliintaasi sheegeen in markii ay Boorama soo gaadheen ay dhibaato kala kulmeen siday u mari lahaayeen magaalada dhexdeeda oo ay gaadiidkaasi uga baqayeen xadhkaha dabka, kuwa isgaadhsiinta iyo guryaha oo gaadiidkaasi ka qabsanayey xagga sare ama xagga dambe, taasina ay ugu wacantahay jid la’aanta magaalada ka taagan.
Idiris Jeermaan kana mid ah farsamayaqaanadii gaadiidkaasi iyo qalabkaasi kasoo raacay Berbera ayaa ii sheegay oo yidhi Ma jiro wax jid la yidhaa oo gobolkan la mari karraayi, horumar la gaadhi maayo inta jidkeennu sidaa yahay, tobannaaan jeer ayaa xukuumadda loo sheegay .Hadii aanan cagaftaasi wadan, gaadiidkaasi iyo qalabkaasi ma gaadheen Boorama ee dhexda ayey ku burburi lahaayeen, mar kastana intaan joogsanno ayaan cagaftaasi ku aasaynay godadka aan uga baqno inay gaadiidkaasi ku rogmadaan “.
Source-Lughaynews



















