Jimco, February 05, 2010(Idhanka): Maamulka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in hawlaha ay wadaan ay tahay mid lagu hagaajinayo bilicda magaalada,isla markaana lagu banaynayo goobaha faras magaalaha ah ee Gaalkacyo.
Guddoomiyaha gobolka mudug Axmed Cali Salaad oo warbaahinta Gaalkacyo la hadlay ayaa sheegay in aysan joojin doonin howsha ay wadaan ,ka dib cabasho ka soo yeeratay qaar ka mid ah dadka kudhaqan magaalada Gaalkacyo.
Shaqaalaha dawlada hoose ee Galkacyo ayaa bilaabay burburinta goobe ay ku ganacsanayeen danyarta magaalada qaarkood ,taasi oo marki danbe sababtay in qoryo la isku soo qaato,balse la kala dhex galay.
Ma ahan in la soo faragaliyo howsha ay wadaan shaqaalaha Dawlada ,waana mid aan iskeen wax ugu qabsanayno “ayuu godoomiyaha u sheegay warbaahinta gobolka Mudug.
Godoomiyaha oo la waydiiyay in howlahooda ay u balaarin doonaan dhinaca Gal-Mudug ayaa tilmaamay in ay jiraan sharciyo gaar ah oo ay kuwada heshiiyeen labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug,waxaana uu ka digay rabshado ka dhasha howsha ay wadaan.
Sanadkii hore dagaal dhex maray labada Maamul ayaa ka bilowday shaqooyin la xiriira hagaajinta magaalada ,balse midka hada ka socda Galkacyo ayaa la filayaa in uu ku soo dhamaado si nabad galyo ah.
Source-Hol
















Posted in 





