Lixdan Jir Jaamacada Burco ka Qalin Jabiyey iyo 109 Arday oo kale oo Shahaadooyin la Gudoonsiiiyey
Xaflad shahaadoyin lagu guddonsiinayay 110 arday oo ka mid yahay Oday lixdan jir ahi oo ka qalinjebisay IT ga iyo luqadaha ayaa shalay lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Burco.
Xafladdan Ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen Badhasaab Xigeenka Gobolka Tog-dheer Mr.Guled Dahir Samtar, Guddomiyaha Jaamacadda Burco Prof C/raxman Jamac Ducale, Maamulaha Jaamacadda Qaybta Centerka ee Lagu Barto IT ga iyo Luqadaha oo ah Qaybta aradydeedu shahaadada qaadanaysay, masuuliyin sarsare oo ka socotay Wasaradda Waxbrashada, Waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan.
Hadaba waxa ugu horayn xafladda ka hadlay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Mr.Guuleed Daahir Samatar ayaa ka sheekeeyey faa’iidada ay leedahay waxbarashadu, waxaanu yidhi mar uu arrimahaasi ka hadlayay “Aduunka waxa ugu qaalisan ee la bartaa waa Cilmiga waxa ugu xun ee laga cararaana waa jabhliga, markaa waxa la idiinka baahan yahay ardaydiina dhamaysatay koorosyadan waxbarasho ee kala duwan sidii la idiinku tabcay in aad aqoontiina ugu faa’iidaysaan dadkiina oo aad noqotaan kuwo Dalkooda iyo Dadkoodaba ku anfaca”.
Badhasaab xigeenka ayaa ka hadlay Tahriibta iyo shaqo la’aanta ka jirta Gobolka Togdheer waxaanu yidhi : “Waynu ka warhaynaa iyadoo ay shaqooyinka Gobolka ka jiraa ay yar yihiin in haddana ay jiraan Dad Dhalinyarada ku wacyigaliya in ay Tahriibaan. Dadka arimaha noocaas ah wada waxa la idiinka baahan yahay haddii aad tihiin ardayda iyo waalidiintaba in aad la dagaalantaan.Shaqo la’aanta Gobolka ka jirtana waxaan leeyahay Shirkadaha Burco ka shaqeeya si loola dagaalamo shaqo la’aanta ardayda Dalka gudihiisa wax ku baratay shaqaalaysiiya, oo naga joojiya kuwa debeda wax ku soo bartay ee aad shaqaalaynaysaan annagu Dawlad ahaan wixii awoodayada ah ee aanu ku yarayn karo waanu qabanaynaa”. ayuu ku soo gebogebeeyey hadalkiisa badhasab xigeenku.
Badhasaab Xigeenka Kadib waxa xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Prof.Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale oo isna ka sheekeeyey mustaqbalka soo socda waxyaabaha ay Jaamacadu hiigsanayso, iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay markasta sare ugu qaadi lahaayeen Tayada Jaamacada. Waxaanu Prof: Cabdiraxmaan ballanqaaday in ay Jaamacada ku soo kordhinayaan Macalimiin cusub oo ay Debeda ka keenayaan iyo Koorasyo cusub oo waxbarasho oo ay jaamcaddu Bilaabi Doonto.
Hadaba waxa ardaydii shahaadada qaadanaysay ka mid ahaa Oday Lixdan (60) Jir ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada, odaygan shahaadada la siiyey ayaa ka yaabiyay Indhaha Dadkii Munaasibadda ka soo qayb galay, Odaygan ayaa noqonaayay ardaygii ugu da’da weynaa ee ka qalin jabiya Jaamacada Burco.
waxanaa Ugu danbayntii Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Mr.Guuleed Daahir Samatar uu Shahaadooyinkii waxbarasho guddoonsiiyay ardaydii qalin jebisay .
Gunanadkii xafladan qalin jabinta Jaamacada Burco ayaa ahayd mid si weyn loo adkeeyey Amnigeeda waxaana gebi ahaanba xoog loo baadhayay Dadka Xaflada ka qayb galayay si amniga goobta loo sugo.
Togaherer



















