Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Kulan Lagaga Hadlaayay Wax Qabadka Cisbitaalka Guud Ee Boorama Oo Ay Soo Qabanqaabiyeen Ururka SAYS

February 03, 2010 By: Idhanka Category: News

SaysBorama-(idhanka)-Kulan balaadhan oo lagaga hadlaayay waxka qabadka baahiyaha cisbitaalka guud ee magaalada Boorama ayaa ka dhacay xarunta dhalinyarada Says ee magaalada Boorama.

 

 

 

 

 

2.JPG

 

Kulankani oo ahaa mid si wayn loo soo agaasimay ayaa ay ka soo qayb galeen masuliyiin kala duwan xubnaha ururka dhalinyarada says gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud C/Laahi Cige, agaasimaha cibitaalka guud ee magaalada Boorama Dr Ismaaciil   xubno ka tirsan ururka amoud foundation  iyo xubno katirsan ganacsatada magaalada  Borama iyo maxkamada dagmada.

32.JPG

Ugu horayntii oo uu furay gudoomiyaha gobolka Awdal Mudane Maxamuud C/laahi Cige waxaa uu gudoomiyuhu  madasha dhalinyarada Says ugu hanbalyeeyay kuna dhiri galiyay hanaan wanaaga ay ku caanbaxeen oo  ah mid horay loga bartay  waxaan ka mid ahaa hadaladiisii” Sida laga warqabo waxaa jira abaaro ba’an oo baahsan  kuwaas oo guud ahaanba dagmooyinka ugu badan gobolka laga wada dareemay lagana ogsoon yahay  in loo baahan yahay waxkaqabad horleh waxaa kale oo u gudoomiyuhu ganacsatada ugu baaqay waxqabad la isla wada ogaado taasi oo uwanaagsan dhamaanba dalka”.

100_0802.JPG

Waxaa kale oo halkaa ka hadalay agaasimaha  cisbitaalka guud ee magaalada Boorama Dr.ismaaciil Muxumed  Aye  waxaanu ku qaadaa dhigay waxqabadyadii ugu balaadhnaa ee uqaaday cisbitaala shantii sanadood ee ugu danbaysay waxaanu tusaale uga dhigay   mudooyinkii hore ee cisbitaalku sida  la wada ogsoon yahay  waxaa u ahaa baahiyo baladhan waxaana ka mid ahaa hadaladiisii :waxaan ugu horaantii ugu hanbalyaynayaa dhamaanba xubnaha soo qaban qaabisay ee ururka dhalinyarad says  isuna hawshay waxka qabadka  baahiyaha cisbitaalka  uguna tafaxaydan waxa qabadka baahiyani oo ah kuwo umuuqda  cisbitaalkeena waxaa yimaada raxan raxan  dhakhaatiir  ah oo ka socota dibada kana fulisa qaliino kala duwan  oo looga kala yimaado guud ahaan dalka oo idil taasna waxaa ay noqotay waxyaabo uu kaga duwan yahay cisbitaalada dalka,  waxaan keenay marka ay yimaadaan dhakhaatiirtu waxaan usoo dhawaynaa oo aan gacanta ku dhignaa amaankooda iyo dhamaanba waxqabadkooda  iyo sidii aan ugu dabooli lahayn  baahiyaha guud  waxaa la iswaydiiyaa oo ay dadku yidhaahdaan inta badan xagee ay waxmaraan lacagta dadka laga guro  inta hada baahiyaha kasoo hadha  waxaan ku qabanaa oo aan dib u galinaa dhamaan wixii aan waxkaga qab karno.

100_0803.JPG

Hadaba  ururka dhalinyarada ee says oo ah ka isagu ka bilaabay   urrurinta lacagaha lagu dabooli doono  baahiyaha cisbitaala ayaa ugu huraantii  iyagu  kudeeqay  lacagdhan $500, waxaa kale oo ay dhamaanba ganacsatadii ku sugnayd halkaasi ugu talagaleen  waxkaqab horleh uguna balan qaadeen cisbitaalka.

100_0806.JPG
100_0809.JPG

 

Source-Lughayanews

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole