Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Jaaliyada reer Awdal ee UK oo Xaflad u Qabtay Maxamed-Rashiid

February 01, 2010 By: Idhanka Category: News

rashiidWaxa habeenimadii sabtida lagu qabtay, Hoteelka weyn ee Hilton Olympia Kensington High Street ee ku yaala badhtamaha Magaalda London. Xaflad si heer sare loo soo agaasimay, xafladaa waxa soo diyaariyay oo soo qaban qaabiyey, bulshaweynta Reer Awdal ee degan dalka Ingiriiska ee taageeraa Xisbiga UCID iyo madaxda sar-sare oo ka tirsan Xisbiga UCID UK.

 

 

Waxa xaflada lagu soo dhaweynaayey Murashaxa Madaxweynaha ku xigeenka Xisbiga UCID Dr.Mohamed Rashid Sheikh Hassan oo hadda wadanka Ingiriiska u joogga howl shaqo ah, waxa hadalka dadka ku soo dhaweynayey Siciid Cumar Ahmed oo ah Gudoomiyaha Yurub ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland (UCID).

 

Waxa uu Mr. Siciid Cumar ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha London ee UCID Ibrahim Maxamed Ahmed (Ibrahim Rashiid) oo warbixin dheer ka soo jeediyey ku saabsan Gobolka Awdal oo uu sheegay in uu waxbarashadiisii ku soo qaatey isagoo aadna ugu dheeraaday muhiimada ay jaamacada CAMUUD u leedahay Somaliland iyo dhamaan gobolka Awdal.

 

Waxa intaas ka dib isaguna hadal qiimo badan ka soo jeediyey Maxamed Ibrahim oo ah xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xidhiidhka Gobolada ee yurub oo aad uga waramay waxyaalo fara badan oo ku saabsan diiwaangelinta, isagoo ka dhawaajiyey in natiijada ka soo baxda la wada aqbalo isagoo sheegay in haddii doorashadu ay u dhacdo sidii loogu talo galay ay horseedi doonto horumar iyo ictiraaf.

 

Intaas ka dib waxa dadkii madasha ka hadlay ka mid ahaa Eng C/lahi Xasan Camey oo ah Xoghayaha Uk , Farduus Hameshwell oo ah Gudoomiyaha Garabka haweenka Bari, Abni Maxamed Cali, Casha Mareykan oo ah Gudooomiyaha Garabka haweenka Yurub, Xasan Ahmed Cunaaye oo isna ah Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada.

 

Waxa ayaana halka ka hadlay madax sare oo ka mid ah dadka Gobolka Awdal ka soo jeeda ee xisbiga UCID taageera oo ay ka mid ahaayeen Abdirahman Barkhad, Abdulqaadir Sheikh Muse, oo isgu sheegay in taageero aad u badan UK leeyahay Xisbiga UCID Qorba joogga Reer Awdal iyo Gudahaba, arintana aan sii xoojin doono mar walba. Waxa kale oo uu raaciyay in ay caawaba dad aad u badan oo gobolka awdal ka soo jeeda ku soo biireen Xisbiga UCID.

 

Intaas ka dib waxa madasha lagu soo dhaweeyey inuu ka hadlo Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo dadkii mar kaliya u wada garaaceen sacabka, aadna ay uga muuqatey wajigiisa farxad weyn.

 

Dr. Maxamed Rashiid waxa uu mahadnaq weyn u soo jeediyey dadkii soo abaabulay xafladan quruxda badan isagoo intaa ka dibna halka ka soo jeediyay khubad dheere oo xeesa leh oo u kaga hadlay, geedi socodka dimoqaraadiyada Somaliland, nabada, nolasha Qorba jooga, iyo dhowrka ay qorba jog ku leyihiin wadanka . Waxa kale u si qoto dheer uga hadlay barnaamajka Xisbiga UCID, uu ka hirgalindoona wadanka hadii u doorasha ku guulaystaan.

 

 

 

 

Source-bnn

 

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole